Dowladda Puntland oo ugu baaqday shacabkeda in ay la shaqeeyaan Hay’addaha Dowladda, kana dheeraadaan wax walba oo xadgudub ah dadka aan muwaadiniinta ahayn…

29 Jan 2025 (Puntlandes.com) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday bulshada Puntland in ay la shaqeeyaan Hay’addaha Dowladda, kana dheeraadaan wax walba oo xadgudub ah ama sharciga baalmaran oo ka dhan ah dadka aan muwaadiniinta ahayn ee kunool deegaanada Puntland.

“Wasaaraddu, iyada oo kaashaynaysa bah-wadaagta kale ee Puntland, waxay ku hawllantahay in ay kala saarto dadka loo oggolyahay in ay waddanka ku joogaan sifo sharci ah iyo dadka sharci darrada ku joga Puntland si loola socdo dhaq-dhaqaaqooda ama sharciga loo waafajiyo ciddii xad-gudub la timaadda” – ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

About The Author