Sawirro: Dowladda Puntland oo ka masaafurisay Bosaso boqolaal Ajaanib Itoobiyaan ah

30 Jan 2025 (Puntlandes.com) Dowladda Puntland ayaa ka masaafurisay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland boqolaal Ajaanib Itoobiyaan ah, kuwaas oo sifo sharci darro ah kusoo galay, kuna joogay deegaanada Puntland.
Itoobiyaanka ayaa kamid ah Ajaanib Dalal kala duwan u dhalatay oo ciidamada Booliska Puntland kusoo qabteen howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso.
Sidoo kale, magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa laga qaaday boqolaal Itoobiyaan ah oo sifo aan sharci ahayn ku joogay gudaha Puntland, halka ay deegaanka weli joogaan kumanaan Ajaanib ah, kuna soo galay sharci ama qaxootinimo, kuwaas oo ka shaqeeysta Puntland.












