Sawirro: Madaxweyne Cirro “Xukuumad ahaan ay mudnaanta koowaad Nabad & wada hadal, laakiin difaaca dalku waa Waajib Qaran”

01 Feb 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta kulankii ugu horeeyey la yeeshay Guddidii uu dhawaan u xil saarey Tirokoobka, Dib-u-habeynta iyo Casriyeenta Ciidamada kala duwan ee Somaliland, Guddidaas oo ah kuwa jaan-goyn doona Siyaasada lagu hagi doono dib u habeynta Ciidamada kala duwan.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka, madaxweynuhuna waxuu warbixin xaga amiga dalka ka dhegaystay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Qaranka.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Guddida u sheegay in shaqadii uu u igmaday ay ka bilaabmayso maanta oo ay bishu tahay 01.02.2025, Guddidana looga fadhiyo inay hawshaas ku soo dhameys tiraan muddo soddon maalmood ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay in Xukuumad ahaan ay mudnaanta koowaad siinayaan in nabad iyo wada hadal lagu dhameeyo xurguf kasta oo jirta, laakiin difaaca dadka iyo dalku uu yahay Waajib oo loo dhaariyey.

Madaxweynuhu waxa uu Guddida iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan uu u sheegay in casriyeenta iyo mideynta cududda Ciidamada kala duwan ee Somaliland ay dammaanad u tahay nabada iyo xasinoolida dalka.

About The Author