Trump oo shaaciyey in Maraykanku duqeeyey kooxda Daacish ee Puntland

01 Feb 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in ay duqaymo ka dhan ah kooxda IS ay ka fuliyeen Soomaaliya.
Madaxweyne Trump ayaa amray duqeymo xoogan oo ay ciidanka Maraykanka kageysteen buuraleyda Calmiskaat ee Puntland, kuwaas oo lagu dilay kooxda Argagixiso ee Daacish, waxaana soo baxay in khasaare xoogan galabtay loo geystay.
Talaabadan ayaa ka dhigan in Puntland ay heshay fursad wanaagsan oo lagula dagaalamayo kooxaha Argagixiso, oo ay duulaankeeda bilowday, isagoo Trump sheegay in Argagixisada laciribtiri doono.
Maalmo kahor, Saraakiisha Mareykanka ayaa tagay magaalada Boosaaso, oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Puntland.
