Taliska Africom oo faahfaahin ka bixiyey Duqayn ay ku sameeyeen kooxda Daacish ee Puntland

01 Feb 2025 (Puntlandes.com) Qoraal ka soo baxay Taliska Africom, Mareykanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeyn la beegsaday xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish. Duqeyntaan oo bartilmaameedku ahaa madaxii howlgalinta caalamiga ah ee ISIS.

Sida ay sheegtay taliska Africom, Mareykanka ayaa muddo dheer ku raad-joogay xubintan, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka. War-saxaafadeed kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in qiimeyn lagu sameyn doono khasaaraha, isla markaana aysan jirin waxyeelo soo gaartay dad shacab ah.

Waa duqayntii u horaysay ee rasmi ah oo ka dhacday buuraha cal-miskaad intii uu socday dagaalka dawladda Puntland ay kula jirto Argagixisada Daacish.

About The Author