Puntland oo joojisay ajaanibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannadeeda

19 Feb 2025 (Puntlandes.com) Dawladda Puntland ayaa joojisay ajaanibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannadeeda, iyadoo amar madaxweyne la faray Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha,Duulista Hawada iyo Garoomada, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Hoos ka akhriso:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne kusoo saaray in la joojiyey Ajaaniibta Sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland, waxaana la faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan.

Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.

Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland

Og: Hay’adda Socdaalka

Ujeeddo: Joojin Ajaanibta Degaanada Puntland soo gelaysa

Waxaa dhammaan Hay’addaha ay warqadani ku socota lagu wargelinaya in la joojiyey laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/2/2025, Ajaanibta aan haysan Sharciga Dal ku galka in aysan soo geli Karin gudaha Degaanada Puntland.

Haddaba, waxaa la idin farayaa in aad ka gudataan waajibaadka idinkaga aadan.

Fiiro gaar ah:- Waxaa lagu soo saari doonaa Xeer gaar ah oo lagu Maamuli doono Nidaamka Dal ku galka Ajaanibta soo gelaysa Degaanadda Puntland.

Fulin wacan.

Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

-DHAMMAAD-

About The Author