RW hore Rooble, Xildhibaan & Wasiir oo DFS ka xannibtay isticmaalka Baasaboorka diblumaasiga

19 Feb 2025 (Puntlandes.com) Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo siyaasiyiin kale oo ay ku jiraan Xildhibaan & Wasiir ka tirsan xukuumadda DFS ayaa laga xannibay isticmaalka Baasaboorka diblumaasiga ah, xilli ay doonayeen in ay u baxaan socdaal Koonfur Afrika ah, sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo.
Weli ma cadda sababtu madaxda dawladau, waxaase la sheegayaa inuu Rooble ku bixi doono Baasaboorka dal kale oo uu haysto dhalashadiisa.
Rooble ayaa lagu xasuustaa dhisiddii, u ololayntii madaxweynenimada Xasan Shiikh ee uu ku soo baxay 15kii May 2022kii iyo saarista xukuumaddii Farmaajo.