Ciidamada Difaaca Puntland oo la wareegay deegaannada Qurac iyo Damdamle ee Togga Jeceel ee buuraleyda Calmiskaad

20 Feb 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa dagaal qaraar oo maanta dhacay kula wareegay deegaannada Qurac iyo Damdamle ee Togga Jeceel ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.
Meydadka maleeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish, oo isugu jira cadaan iyo madow ayaa yaalla Togga Jeceel iyo buuraha hareerihiisa ah, kaddib markii ay maanta jebiyeen ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland, kuwaas oo kala wareegay saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla deegaanada Qurac iyo Damdamle oo hadda ku jira gacanta ciidamada.
Sidoo kale, argagixisada ayaa looga qabtay hub iyo agab kale oo ciidan, dagaalka oo bilowday duhurnimadii maanta, soona gaaray ilaa gabal dhicii, sida uu xaqiijiyay, Tafaftiraha Telefishinka iyo Raadiyaha Puntland, Maxamed Rasaas oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.
Dhanka kale, 29 kamid ah maleeshiyaadka argagixisada Daacish ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Damdamle kahor qabsashadii ciidamada Difaaca Dowladda Puntland. Saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraatka Carabta oo taageeraya howlgalka ciribtirka argagixisada ayaa fuliyay duqeynta