Bisha Ramadaan oo bilaabatay maanta 1 march

01 March 2025 (Puntlandes.com) Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa xalay noqonaysa habeenkii ugu horeeyey dhalashadeeda sannadkan 2025, iyadoo laga arkay meelo badan oo ka tirsan caalamka Islaamka iyo Soomaaliya na la xaqiijiyey in maanta soon tahay.
Bahda warbaahinta Puntlandes waxay dhammaan Shacabka Puntland, ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan Ilaahay uga baryayaa in Soonkan kiisa kale caafimaad qab iyo camal wanaagsan ku gaarsiiyo.
Waxay kaloo Bahda warbaahinta Puntlandes ugu ducaynayaan ummadda Soomaaliyeed inuu Allah siiyo Nabad, Barwaaqo iyo dalkooda oo deganaansho waara iyo Horumar leha.