Warbaahinta Itoobiya oo shaaciyay in Ciidamada Cirka Itoobiya ay duqayn culus ka fuliyeen Gobolka Shabellaha Dhexe
05 March 2025 (Puntlandes.com) Warbaahinta maxaliga ee dalka Itoobiya ayaa shaaciyay in Ciidamada Cirka Itoobiya ay ka fuliyeen Gobolka Shabellaha Dhexe mid ka mid ah duqeymihii ugu cuslaa kaasoo xalay dhacay, waxaana la duqeeyey Argagixisada Ashabaab.
Muuqaalo laga soo qaaday deegaanka Daaru-nicma ayaa muujinayay gantaalo culus iyo qaraxyo waa weyn oo hillaaciisa meelo fog fog laga arkayay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan warkaan ay shaaciyeen Warbaahinta Maxaliga Itoobiya ee Amhara News.