Hambayo: Puntland oo maanta 17 jirsatay

1 agoosto 2015 (Puntlandes) Maanta oo Taariikhdu tahay 1da agoosto 2015 waxaa kasoo wareegtay 17 sano markii Dawladda Puntland dhidibada loo taagay 1 agoosto 1998dii. Waxaa amaan balaaran iska leh Allah ka kasokow Shacabka reer Puntland oo ah Shacab nabada iyo dawladnimada jecel iskuna dulqaata ayna wax walba uga wayn tahay Midnimadooda, Nabadooda iyo dawlanimadooda.

1343

Bahda Warbaahinta Puntlandes waxay Hambalyo ku aadan sanadguuradii 17aad u dirayaan Shacabka  iyo dawladooda Puntland iyagoo u rajaynaya sanadada soo socda Nabad, Barwaaqo, Cadaalad, Midnimo, Horumar iyo dawladwanaag.

Kala soco Warbaahinta Puntlandes wararka ku saabsan dabaaldegga sanadguuradii 17aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Puntland.

Puntlandes.com

About The Author