17,Sanno kadib Puntland xaggee jogtaa?!!.

Waxaan hambalyo leeyahay  wanaaga iyo xasiloonida ka jirta  Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed Waxaana ugu hambalyeeynaya  17, sanno guurada  asaaskii Puntland,  waxaanse leeyahay  wili faanoole fari kama qodna..

Maxaa  ka hirgalay 17, sanno kadib  hadafkii Puntland loo asaasay  ee ahaa

Midnimada Puntland

Xukun baahinta Puntland

Dimuqraadiyada

Caddaalada                                                                       

Dhaqaalaha

Cududii ciidan iyo Midnimadii Soomaaliya

1, 8 2015,Puntland waxay   u dabaal degeysaa  17, sanno guuradeedii, Puntland) waa maamulkii ugu horeyey oo  leh hay’ado dhammaystiran  oo ka hanna qaada  Soomaaliya marka laga reebo Gobollada Waqooyiga Soomaaliya, (Somalind) oo ku dooda inay Soomaaliya ka go’een 1991, hormar iyo dib dhac kasta oo Puntland gaarto waxay la wadaagaysaa Soomaaliya waayo waa xubin kamida Soomaaliya..

                                          Himilooyinkii Puntland loo  asaasay

 Himilooyinkii  loo asaasay maamul Gobolleedlka Puntland ee Soomaaliyeed  wuxuu ahaa  midnimo u,adeegida shacabka  Puntland baahinta  maamulka sinaanta  caddaalada  dhisidda Ciidan ilaaliya xaquuqda iyo nabad galyada dadka Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa Puntland, isku haynta), Gobolladii ku heshiiyey dhistaankii Puntland & kor u qaadidda heerka nololeed ee dhammaan muwaadiniinta Puntland. ma hirgaleen qodobadaas?..

                                           Markii  qarankii  lagu heshiin wayeey

 Taasi waxay ka dambeysay  kadib markii muddo (toddobo) sannadood ah  Soomaalidu ku guul daraysteen  in ay ku heshiiyaan dhismaha Dawlad Qaran  markaas kadib  waxaa isku yimid  Hoggaamiye dhaqameedkii  Gobollada waqooyi bari Soomaaliya qayb kamida Gobollada dhexe iyo degmo kamida Gobolka Togdheer waxaana la isku (Afgartay) in ladhisto nidaam Dawladdeed  leh Axdi,&  hay’yaddo kala duwan..

                                        Hadafkii  Puntland loo asaasay   qayb kamida

Maamulkaas  waxaa  saldhig looga dhigay inaan Soomaali lakala gooyn-in la raadiyo midnimadii Soomaaliya iyo helida (Qaran )Soomaaliyeed  kuna dhisan nidaamka fadaralka ama Awood qaybsiga run ahaantii waxaa la dhihii  karaa hadafkaas Puntland waa xaqiijisay waxayna ku mudan tahay amaan  iyo bogaadin

Madoonayo  inaan  dhaliil  kala dul dhaco hogggaamiyayaashii iska danbeyey Puntland  mana doonaayo inaan amaan  dusha ka saro,  waayo  labadaba  way leeyihiin  hoggaamiye kasta oo Puntland hoggaanka u qabtay  wuxuu leeyahay dhaliil  iyo wanaag labadaba..

                            Wanaag Puntland gartay

Adduunka  nidaam  kasta   oo jira wuxuu leeyahay wanaag iyo  dhaliil, haddii aan dhanka wanaaga ka fiirino  Puntland  waxay ku tillabsatay  hormar weyn oo ay ugu horayso xasiloonidda  manta ka jirta

(Ebbe) mahadi  haka gaartee  aad ayaa loo mahadiyey looguna badbaadey maamulkii    dhidibada loo taagay  waxana halkaas ka asaasmay  haykal dawladdeed  iyo hannaan maamul oo manta  Soomaali weyn  ku faani karto..

17, Sanno kadib  Puntland  ma jogtaa halkii laga filayey?Su’aashaas  waxaan  waydinayaa  dadka Reer Puntland ee xaqiiqda Puntland lasocda..

                                          

Soomaalidu waxay ku maahmaahda  (Rag yaraan wax kuma yeeshee  Rag  xuma ku disha)  waxaan ula jeeda Puntland  waxay leedahay  khayraad (Alle)  ku manaystay, oo ah Bad iyo Biri  waxay leedahay shacab aad u  wanagsan kuna fiican in la xukumo  laakiin  waxaa muuqata  Hoggaamiyayaasha Puntland inay ka gaabiyeen  halkii manta Puntland laga filayey inay garto..

                                        Midnimadii  Puntland

17, sanno kadib  waxaa  maqaan qayb kamida Gobolladii Puntland dhistay  waxaa  maqaan oo aan manta  laga dabaal dagayn Sool, oo ah Gobolkii ugu muhiim sanaa Puntland,Cayn  oo ay ka taliyaan dhawr maamul. Waana dhaliil uu leeyahay hogaanka Puntland iska danbeyey, 

                           Dimuqraadiyadda

Axsaab, 17  Sanno kadib  Puntland waxay ku jirtaa nidaamkii qabaliga ama qabiilka mana jiraan xisbiyo  iyo maamul wanaag   marka loo eego muddada ay jirto Puntland  waana dhaliil  hortaal hogaamiyayaasha Puntland iska danbeyey..

                              Xukun  baahin

Awooda  dhaqaale iyo  maamulba wuxuu  ka jiraa  inta ku xiran laamiga dheer ee  isku xira Bari iyo Mudug  sidii laga filayey manta Puntland  uma gaarin gabi ahaan  dhulka Puntland  waxaana jira dhaliilo  ka imaanaya  dhulka ka baxsan laamiga taasana waxaa  masuuliyadeeda iska leh  madaxweyne  yaashii Puntland  Soomaray..

                          Cududa  Puntland

Ciidanka  Puntland dadka sida fiican u taxliiliya dhanka (cududa) Puntland  waxaa la sheega in Habacsanaan weyn ay jirto  oo sidii  laga filayeey uusan ahayn  ciidanka Puntland ilaa  Barlamaanka Puntland oo dood  galiyeey hannaanka  ciidan ee Puntland  waana  dhaliil kale oo hortaal maamulayaasha Puntland.

Dastuurka Puntland Qodobka 7aad  waxaa  ku qoran DHULKA IYO SOOHDIMAHA Puntland ).

1. Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay Gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn,karkaar, Mudug, Heylaan iyo Sanaag  waxaase  xasuus mudan in Gobolka Mudug oo intiisa badan Puntland ka taliso in haatan uu muran galay aysan filanayn  dadka reer Puntland  waana xujo hortaal  hogaanka Puntland..

                        Puntland  iyo xiriirka Dawladda  Federalka ee Soomaaliya

Dhanka xiriirka  Puntland  iyo Dawladda  dhexe ee  federalka    ayaan fiicnayn  waxaana jirta is fahan daro wayn oo kaliftay in Puntland ka maqnaato shirkii hiigsiga 2016ka   ee  ka dhacay  Muqdisho  in  kasto  Jubland iyo Somalind-ay ka wada maqnayeen hadana waa  su ‘aal hortaal mas’uuliyiint Puntland in  (PLd) ka maqnaato  fagaare looga hadlaayo siyaasadda Soomaaliya madaba dastuurka Puntland  dhigayo in Puntland xaadir  ku ahaato meel kasta oo looga hadlayo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed..

                                    Gabagabadii

Isku soo wada duuboo   hoggaamiyayaasha Puntland waxaa looga fadhiya  karti iyo dadaal intaas ka badan  iyo inay   xaqiijiyaan midnimadii ummadda  Puntland caddaalad   iyo dawlad  wanaag. Waayo  mar-marsiinyo waa dhamaaday  Puntland waxay jirtaa 17 sanno, oo a  qaan gaar dhaaf..

21

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye  arrimaha bulshada

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author