Is rasaasayn Garowe ka dhacday oo keentay dhimasho iyo dhaawac

22 March 2025 (Puntlandes.com) Is rasaasayn Garowe ka dhacday awyaa waxaa ku dhintay laba askari iyadoo ilaa afar kale oo uu ku jiro Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Garoowe ay ku dhaawacmeen.
Is rasaaseyn oo kaantaroolka bari ee caasimadda Garowe ku dhexmartay ciidanka Booliiska iyo Ciidan ku lebbisan tuutaha PSF oo la sheegey in ay ka yimaaddeen gobolka Bari.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya balse laamaha ammaanka ayaa sheegaya in ay doonayeen in ay ciidanka Bari ka yimi ka reebaan baabuur ay xukuumaddu leedahay oo ay soo dhaceen.