Muuqaal: Puntland oo ku eedeysey Dowladda Federaalka in degmooyinka Gaalkacayo, Galdogob iyo Jirriiban ay ku dartay Galmudug

22 March 2025 (Puntlandes.com) Puntland ayaa ku eedeysey Dowladda Federaalka in magaalooyinka Gaalkacayo, Galdogob iyo Jirriiban ay ku dartay maamulka Galmudug, ka dib liis ka soo baxay Hey’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.
“Maamul kasta Mudugtiisa waa yaqaan Xasan Shiikh wuxu mar kale isku dirayaa oo dagaal ka hurinayaa Galmudug iyo Puntland, intuu Farmaajo joogey waa ka nasanay dagaal” Guddoomiyaha Mudug ee Puntland.
Hoos ka daawo gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo gudoomiyayaasha degmooyinka Jariiban iyo Galdogob, gudoomiyaha Haweenka Gobolka Mudug iyo gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Mudug.