Hay’adda Aqoonsiga & Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) oo beenisay inay degmooyin Puntland ku dartay Galmudug

23 March 2025 (Puntlandes.com) Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) oo war-saxaafaeed deg deg ah soo saartay ayaa beenisay inay degmooyinka Jariiban iyo Galdogob ee gobolka Mudug ee Puntland ku dartay Galmudug, taas oo dhanka Puntland looga eedeeyey.
Hay’adda NIRA ayaa war-saxaafaeedka ku tiri “Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waxay si cad u beeninaysaa eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug. NIRA waxay caddaynaysaa in foomka Baraha Bulshada lagu faafiyay uu yahay mid been-abuur ah; foomka rasmiga ah ee Hay’adda waxaa laga heli karaa websaydkeeda iyo xarumaheeda kala duwan.”
