Muuqaal: MD Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay inuu gogol u fidinayo Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada si ay aragtidoodu qayb……..

29 March 2025 (Puntlandes.com) madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka hadlayay Munaasabadda Ciidul Fitrig ayaa ku dhawaaqay inuu gogol u fidinayo Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada si aragtidooda qayb uga noqoto dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah oo u shaqeysa dastuurka iyo sharciyada u degsan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Siyaasiinta mucaaradka ay isku hayaan siyaasada, ayna kala tashanayaan arrimaha la dagaalanka Argagixisada iyo Dawladnimo Dimuquraadi ah oo Federaal ah, iyadoo qodobkan aad uga hooseeyey sidii lafilayay, kana dhigan Yacyacood aan saldheereyn.
Tallooyin iska soo dhaba dhacayey maalmihii u dambeeyay kana imaanayay Xubnaha Mucaaradka iyo Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka ayaa ahaa mid Madaxweynaha loogu jeedinayay inuu dhigo gogol qaran oo looga arrinsado xaalada cakiran ee siyaasadda gudaha, isla markaana Madaxweynuhu furo Saaxadda siyaasadda (Political Space) si dalka uu Midnimo Qaran ugu wajaho la dagaalanka Argagixisada.
Wakilada Beesha caalamka ayaa doonaysa in bisha May ka hor la gaaro heshiis doorasho, amni iyo siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyagoo taas faray madaxweyne Xasan Sheekh.