Gudoomiyaha Barlamanka PL oo jeediyey Xalay Qudbad ka tarjumaysa Rabitaanka Shacabka PL
2 agoosto 2015 (Puntlandes) Xalay ayaa waxaa lagu qabtay Madaxtooyada Puntland ee Garowe Xalfad lagu maamuusayey 17 guuradii ka soo wareegtay markii la Aasaasay Puntland, Waxaana xafladaas Qudbad ka jeediyey Madax kala duwan, Isimo iyo Waxgarad.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire oo xafladaas ka hadlay ayaa jeediyey Qudbad kooban laakiin aad iyo aad u iftiiminaysa Xaqiiqda jirta marka laga hadlayo Puntland iyo Dawladda Xamar, waxay kaloo Qudbada Gudoomiyahu ka tarjumaysay Rabitaanka Shacabka reer Puntland oo ku daalay dhibsadayna in Dhiigii, Dhaqaalihii iyo Juhdigii ay geliyeen soo celinta Dawlad Soomaaliyeed loogu abaal gudo shido joogto ah iyo xataa dhulkoodii la damco in la BOOBO.
Qudbadii Taarikhiga ahayd ee Gudoomiyaha
Gudoomiye Shire ayaa wuxuu si kooban u cadeeyey Lugooyada iyo tacab kharaaska ay Puntland kala kulantay Dhiigii, Dhaqaalihii iyo Juhdigii ay geliyeen soo celinta Dawlad Soomaaliyeed isagoo ka bilaabay Aasaasihii Puntland iyo DFS ta Xamar AUN C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuuna sheegay in AUN C/laahi Yuusuf Axmed markii la dhisay Puntland inuu uga faa’iideeyey Soomaaliya oo dhan haday noqon lahayn Juhdi iyo Dhaqaale uu geliyey si loo helo Soomaali mid ah, “2 sano kadibna waa tii aad ogaydeen oo markay soconwayday uu isaga tegey” ayuu tiri Gudoomiye Shire.
Gudoomiye Shire ayaa waxa kale oo uu soo qaaday wixii ay iyana Dhaqaale iyo waqti gelisay dawladii uu Faroole madaxda ka ahaa ee tan GAAS ee hada ka horaysay isagoo sheegay in Dhaqaalihii Puntland ku dhamaaday Garowe 1, Garowe 2 iyo Gaalkacayo Agreement.
Gudoomiye Shire ayaa shacabka reer Puntland xusuusiyey Xaqiiqda oo ah in intaas oo Dhiig, Dhaqaaliho iyo Juhdi ah ay gelinaysay Puntland Soomaaliya in ay dad kale oo Soomaali ah ay dalkooda dhisanayeen farahana kala baxeen Soomaali (Somaliland).
Ugu dambayntii ayuu Gudoomiye Shire si Geesinimo, daacadnimo iyo Mas’uuliyadnimo ah usoo jeediyey in Puntland maanta u baahan tahay in iyada dib loo dhiso oo iyada laga fekero taasoo ah hadalkay sugayeen shacabwaynaha reer Puntland.
Waxaa nasiib daro ah in uu madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS oo ku qafiifay rabitaankiisa Kursiga uusan heleyn ee Villa Somalia uu ka hor horyimid uuna Gudoomiya ugu jawaabay si aan munaasib ahayn. Warbaahinta Puntlandes waxay Akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa waxa uu GAAS ugu jawaabay Gudoomiye Shire.
Gudoomiye Shire weeraha uu xalay ku hadlay waxay ahaayeen afka Shacabka reer Puntland iyo dareenkooda ay quusta ka joogaan dawladnimada aan Xamar laga rabin, wuxuuna ku helay taageerada shacabkiisa.
Puntlandes.com