Fadeexad-Dhagayso: GAAS oo ka hor yimid rabitaanka Shacabka PL una jawaabay Gud barlamanka PL
2 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwaeli Maxamed Cali GAAS, ee ay madaxmartay jacaylka uu u qabo Villa Somalia, ayaa Qudbadiisii xalay uu ka jeediyey Xuska sanadguuradii 17aad ee ka soo wareegtay markii la Aasaasay Puntland waxay ku noqotay Shacabwaynaha reer Puntland YAAB iyo AMAKAAG isagoo si cad u diiday Rabitaanka Shacabka Puntland uguna jawaabay si aan munaasib ahayn Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire oo ku hadlay afka Shacabka iyo Rabitaankooda, halkan ka akhriso.
GAAS ayaa yiri markuu u jawaabayey Gudoomiye Shire “Sida Gudoomiyihi laftigiisu uu Carabka ku dhuftay dad badan oo reer Puntland waxay qabaan in Puntland ka tashato Soomaali oo ayadu isku filaato, Soomaalinimo danbana aynaan Waqti ku dhumin laakiinse waxaan leeyahay in badan oo Cadowga Soomaaliyeed ah iyo Cadowga Puntland ba sidaas ayey doonayaan, haddii aynu wayno cid nala fahanta Puntland kaligeed baa Soomaali noqonaysa”
Hadalada uu GAAS ku hadlay xalay waa kuwo aan ruux Mas’uul ah oo miyir qabaa uusan ku hadli karin maxaa yeelay marka koowaad waxay meel ka dhac ku tahay dawladnimada iyo Baratakoolka inuu sidaas ula hadlo ama ugu jawaabo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland marka labaadna waxa meel ka dhac ku tahay Shacabwaynaha reer Puntland uu ka si cad uga horyimid RABITAANKOODA isagoo iyaga ADEEGE u ah ee aysan Puntland ahayn Guri ama Shirkad uu GAAS leeyahay.
GAAS waxa uu marka hore QIRAYAA in talada uu Gudoomiyihu soo jeediyey ay qabaan “DAD BADAN OO REER PUNTLAND AH”, dadkaas waxaa lagu qiyaasaa ugu yaraan 80-89% oo shacabka reer Puntland ka mid ah inay ka quusteen XAMAR doonayaana “IN PUNTLAND ISKU TASHATO KANA TASHATO XAMAR” ogow akhriste waa Gudoomiya Baarlamaanka Puntland iyo inta badan dadka reer Puntland hadaba GAAS muxuu Gudoomiyaha iyo dadka intaas le’eg ugu jawaabay “WAXAAN LEEYAHAY IN BADAN OO CADOWGA SOOMAALIYEED IYO CADAWGA PUNTLAND BA SIDAAS AYEY DOONAYAAN” Waa kuma Hogaamiyaha inta badan dadkiisa sidaas qayaxan oo Aflagaadadu ay ku jirto uga soo horjeesan kara? Maxaa ku kelifay xataa hadduu jecel yahay XAMAR inuu sidaas qayaxan ugu jawaabo dadkiisa?
Dad badan oo aad uga Carooday Qudbadii GAAS ee xalay oo Warbaahinta Puntlandes mikarafoonka la dhx qaaday ayaa intooda badani waxayba lahaayeen “NINKAAN NA HOGAAMI NIRI MA FAYOOBA”
Dhagayso jawaantii GAAS
Waxa kaliya ee GAAS u muuqdaa waa Riyada uu ku Riyooday inuu 2016ka noqda madaxa Villa Somalia laakiin uma muuqato suurtagalnimada arrintaas iyo waxa ay tahay inuu ku hogaamiyo Shacaka reer Puntland. Waxaa xaqiiq ah inuusan GAAS caburin karin Rabitaanka Shacabka reer Puntland kuna qasbi karin Xmarta aan doonayn ee dagaalka kula jirta GAAS yuusan waqtiga naga qaadina hadduu sidaas Xamar u jecel yahay ha aado isagu ileen Puntland isagu ma lehee. Waxaa kaloo Xaqiiq ah inuu GAAS Puntland dhulka ku jiiday dhigayna meel aysan istaahilin.
Puntlandes.com