MD Xassan Sheekh “RW Xamse wuxuu Laascaanood u tagay si uu u xalliyo khilaafka jira, uma tagin inuu abuuro khilaaf cusub…”

12 April 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha dawladda federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay madasha Antalya Forum ayaa wax laga waydiiyey ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ku tagay magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa xusay in ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaruhu yahay sidii loo xalin lahaa colaadaha ka dhacay deegaanadaasi iyo in la abuuro jawi wax tar u leh wada hadlo hirgala, isagoo xusay in ilaa hada aanay jirin wax xal ah oo laga gaaray dhibkii dhacay.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in ay jiraan caqabado hor taagan xal nabadeed oo deeganadaas ka dhaca taasina ay ka mid tahay arimaha uu xalintooda Raysal wasaarahu u tagay halkaasi.

“RW Xamse wuxuu halkaas u tagay si uu u xalliyo khilaafka jira, uma tagin inuu abuuro khilaaf cusub, sida dadka qaar ee baraha bulshada ku sheegayaan. Wuxuu halkaas u tegay si uu u xaliyo khilaafka oo wali taagan. Waxaa jira maxaabiis labada dhinaca. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu halkaas u tegay si uu u abuuro jawi ku habboon oo wada-hadallo dhab ah lagu gali karo, maadaama ay jiraan caqabado hor taagan in wada-hadallada dhabta ahi ay dhacaan. Booqashada Ra’iisul Wasaaruhu waxay ujeeddadeedu tahay in laga saaro qaar ka mid ah caqabadahaas si labada dhinac ay u fariistaan, u wadahadlaan, una heshiiyaan si nabad ah” ayuu yiri MD Xassan Sheekh

About The Author