Muuqaal: Laascaanood-RW Xamse oo sheegay in ay qasab tahay in la helo nabad & wada hadal laga galo

13 April 2025 (Puntlandes.com) Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay qasab tahay in la helo nabad iyo wada hadal laga galo, dagaaladii dhacayna wuxuu sheegay in xal nabdeed oo toos ah loo helo, isagoo khudbadiisa kusoo gabagabeeyey in ay qasab tahay in la wada hadlo oo gundhig Nabadeed ay tahay.
RW ayaa sheegay in safarkiisa xambaarsan yahay nabadda iyo in doorashada ay DFS doonayso ka qabato deegaanada SSC-Khaatumo, isagoo sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh casuumad ufidiyey Hogaamiye Firdhiye.
“Dadku waa ehel waana lays wada dhalay, markaad eegto waxa laysku dilayaa waa uun Shaydana ficilkiis, Shaydaanka waa in aan iska naarnaa”ayuu yiri Raysalwasaaruhu.
“Waa in nabad lahelaa, waana lagama maarmaan Shaydaanka waa in aan iska naarnaa” RW Xamse
“Midnimo iyo Nabadu waa 2 rukun oo dalku ku taagan yahay, Waa idinka Hambalyeynayaa sida aad nabadda u ilaaliseen, Sida Midnimada Nabaddana u ilaasha, Jid khaldan ayaan isku dilaynaa sabab aan isku dilnaana majirto, haddii aan nabad lahelin waxba nooma hirgalayaan, Haddii aan Midnimo lahelin waxba mahirgalayaan. Dad si dilayaa ma midoobaan, Dad kale tagay waxba ma qabsadaan, Kala taga iyo Tafaraaruqu xal makeenan” ayuu yiri RW Xamse.