Sawiro: Qurba-joogta Puntland ee Finland oo Xustay Aas Aaska Dowlada Puntland 17 Sano Guuradii Puntland

Xaflad ballaaran oo lagu maamuusayo xuska sanad-guurada 17-aad ee ka soo wareegatay aasaaska Puntland ayaa ka dhacday Xarunta Dalada Midowga Qurba-joogta Puntland ee Finland oo ku Taala Caasimada Helsinki  Wadanka Finland
Munaasabad waxaa ka qeyb-galay Jaaliyada Putland ee dalkan Finland,waxaana ay ahayd mid aan loo kala harin bulshada weynta Soomaaliyeed ee deggan wadanka Finland. Waxaana ka hadlay goobta inta badan xubnaha jaaliyada ee ka soo qeyb-galay munaasabadda,kuwaas oo isagu jiray rag iyo dumar, dhallinyaro iyo waayeel, waxayna u dhacday sidii loogu tala galay oo lagu xusayay sanad-guuradii 17 aad ee aas aaskii dawladda Putland ee Soomaaliyeed.

Marti sharaftii kasoo qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Wakiilka Puntland u fadhiya dalalka scandinavia Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) iyo Siciid Qaas oo ah Aqoonyahan Reer Puntland  degana wadanka Swedan.

Ugu horayna waxaa hadalka qaatay Wakiilka Puntland u Fadhiya dalalka Scandinavia Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) , oo u mahad-celiyay martidii sharaftii ka soo qeb-gashay xaflada, soona jeediyay ahmiyada ay lee dahay maanta iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray dawlad nimada aynu haysano Dr baydhabo ayaa halbalyo u diray dhamaan umada somaliyeed gaar ahaan reer puntland .Sidoo kale waxaa isna Goobta ka hadlay Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland ahna maamullaha Jaaliyada Punland ee Finland Mudane Cabdifataax Cabdulaahi Jaamac (Jannaggale),  Waxa uu ugu horreyntii u mahadceliyey dadkii soo qabanqaabiyey iyo marti sharaftii ka soo qayb-gashay wuxuuuna ku dheeraaday horumarka ilaa iyo hadda ka socda iyo jaaliyada Putland ee Finland horumarka ay kawado dalkii hooyo, wuxuu kaloo goobta xaflada ka caddeeyay in bulshada Soomaaliyeed ee reer Puntland oo midaysan oo reerna ka maqneen ay soo wada abaabuleen xafladan quruxda badan ee ka dhacday Helsinki sidoo kale wuxuu ka hadlay xarunta cusub iyo ahmiyada ay u leedahay umada somaliyeed Gaar ahaan reer puntlan.

Waxaa sidoo kale goobta faalo xiiso oo ku aadan taariiqda dawladda Puntland ka soo jeediyay, xog-heeyaha jaaliyada Puntland ee Finland, mudane Hanad Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse.

Kaddibna waxaa hadalka qaatay guddoomiye ku Xigeenka daladda qurba-joogta Puntland ee Finland  Mudane Maxamuud Cabdiraxman Shiinle isna ku dheeraaday dalada iyo marxaladihii ay soo martay iyo waxa ay damacsan yihiin iyo in loobaahnaa in la qabto xafladan oo aynu og nahay ahmiyada ay inoo lee dahay.

Qadka teleefoonkana waxaa kaga soo qeyb-galay Madaxweynaha  dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  dawlada Puntland oo uhambalyeeyay jaaliyada Puntland ee Finland wuxuuna ka warbixiyeen xaaladda dalka iyo iyaguna in ay ku guda jiraan xafladii oo ka dhacaysay xarunta dawlada Putland ee Garoowe Wuxuu madaxweynaha  la dardaarmay jaaliayada iney gacma isqabsadaan oo midoobaan horumarkana laga shaqeeyo laguna daydo wanaaga ay wadaan Dalada Qurba-joogta Puntland ee Finland wuxuuna ku soo gaba gabeeyeen Guul iyo Hambalyo.

Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Finland Aqoonyahan Deeq Cusmaan Gurxan ayaa isagana dhankiisa u hambalyo u diray dhamaan reer puntland meel walba ay joogaan wuxuuna xusay in labada jaaliyadood mid yihiin dhul iyo dad labadaba ka dhaxeeyaan isgarab taagan yihiin  wuxuuna amaan usoo jeediyey dadkii sida wanaagsan xaflada usoo abaabulay.
Gudoomiyaha ururka dhalinyarada dowlad deegaanka Somalida itoobiya DDS ee sedyo Yusuf Axmed Maxamud ayaa isagana dhankiisa amaan u jeediyey Dalada Qurba-joogta Puntland ee Finland iyo dhamaan intii ka qeyb qaadatay Xaflada wuxuu Mudane Yusuf sheegay horumarka ay ku tilaabsadeen Dowlad deegaanka Somalida  itoobiya DDS wuxuuna amaan taageero iyo hambalyaba usoo jeediyey madaxweynaha DDS mudane Cabdi Maxamud Cumar .
Gudoomiyaha Ururka kanava ururka dhalinyarada iyo somaliyeed ee Finland  Mudane Cabdirisaaq Babeto ayaa sheegay in somalida finland ay u baahan tahay iney midoobaan oo gacmaha isqabsadaan meel kasoo wada jeestaan sameynstaana urur ay ku midoobaan dhamaan ururada somaliyeed ee ka jira Finland Babeto ayaa sidoo kale ha,balyo u diray dhamaan shacabka reer puntland uguna hambalyeeye sanad guuradii 17aad.
Marti Sharaftii Kasoo qeyb gashay Xaflada waxaa ka mid ahaa Said Qaas waa aqoonyahan soomaaliyeed asal ahaana ka soo jeeda puntland degana Wadanka Swedan waa dhalinyarada hal doorka ah ee usoo muuqda mustaqbalka dhaw umada soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan reer puntland ayaa isagana goobta xaflada ka hadlay ugu horeyn wuxuu amaanay dhamaan intii kasoo qeybgashay xaflada iyo sidii quruxda badneed ee loo soo abaabulay Said Qaas sidoo kale wuxuu hambalyo u diray dhamaan shacabka reer puntland meel walba ay joogaan hambalyada ku aadan Sanad guuradii aas-aaska puntland ee 17aad .mudane Qaas sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladihii wadanka somaliya soo maray iyo xaalada uu ku sugan yahay.
Nasro Faarax oo iyadana ku hadleeysay garabka Haweenka Puntalnd ee Finland ayaa iyaduna u mahadcelisay guud ahaan Bulashadda kala soo qaygashay xafladatan . waxeey kaloo ku wargelisay in goobta xafladda lagu qabtay ay leedahay daladda ururada Puntland isla mar ahaantaasna ay ka faa’iideeysan karaan dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Finland .

Si kastaba ha ahaatee xafladaasi waxaa ka hadlay madax ka kala socda Jaaliyada Soomaalida Finland , Ururka Kanava, Culimo, Haween iyo dhalinyaro . Dhamaan toodna waxeey u Hambalyeeyeen xuska 17-aad ee Dowladda Puntland iyo shacab keeda.

 Umadi midnimo ayay wax kutahay iyo wadajir hadafkuna waa hormar in latiigsado tanoo lagu gaari karo midnimo. hadaba midnimadu waxay dhashaa in lahelo waxbarasho hadii lahelo waxbarashana waxay dhashaa in uu yaraado faqrigu hadii faqrigu yaraadana waxay dhashaa in lahelo hormar tani waa fikirka uu nagu hogaaminayo wakiilka Puntland u Fadhiya Finland Janagale.
.

About The Author