Go’aanka Gudiga Joogtada ah ee Golaha wakiilada Puntland ee in aan ciidamo shisheeye la keenin Puntland

Puntland waa dawlad dimuqoraadi ah (aan ahayn dimuqoraadigii AUN, Maxamed Siyaad Barre). Taa micneheedu waa in sadexda Gole ee dawladdu, mid walbaa uu leeyahay masuuliyad u gaar ah iyo waajibaad laga doonayo. Masuuliyadaas oo ay tahay in qolada haysaa mooyee ay tankale xushmaysaa. In dhawaale waxaa meesha ka maqnaa masuulidda inta kale marka laga reebo tan madaxtooyada/ madaxweynaha (= Golaha xukuumada, madaama uu madaxweynuhu kaligiis ku hadlo oo go´aamiyo wax kasta oo kusaabsan Puntland) ama Haddaan si kale u dhigo “Madaxweyne” baa la mid noqotay “Puntland”.

1

Waxaa habayaraatee meesha ka maqan Gollaha Caddaaladda, oo ay ka mid yihiin xeer ilaalinta guud, oo ay tahay shaqadeedu, haddii lagu xadgudbo qodob dastuuri ah in ay go´aan kasoo saaraan, si loo saxo khaladkaas oo haddi laga dhego adaygo ay tahay in ay maxkamadda dastuurka (maxkamadda sare) u gudbiyaan, kuwaas oo dalbanaya “dhegeysi = Hearing”  si loo saxo waxa khaldan. Waxaa lala socdaa in aan xubnaha goleyaasha dawladda aan maxkamad lasoo taagi karin oo ay leeyihiin (political Immunity), inta ay xilka hayaan. Oo sidaas awgeed ayay u banaantahay in arrinta la dhegeysto oo su`aalo laga weydiiyo cidda xadgudubka samaysay, dabeetana loo saxo xadgudubka. Hadday arrintu sixid ka weyntahay, sida ku adkaysi sharci jebin, ku adkaysasho ku tagrifal awoodeed, qaadasho go´aan bulshada wax u dhimay oo waxyeeladiisu soo baxday xilli aan wax laga qaban Karin waxaa laga dalbayaa haday arrintu khusayso xildhibaanadana, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka in ay is casilaan amma iyagaa garta in ay is casilaan. Inta  goleyaashaas magacawga ku timidna shaqadaa laga joojiyaa. Marka Golihii Caddaaladda iyo  roolkaasiba waa ka maqan yahay Puntland si kasta hawga maqnaadee.

2

Waxaa iyana aan si muuqda roolkoodu u muuqan jirin  golaha wakiillada oo iyagu hawshooda uga maqnaa sifo aan la aqoon, waxaana inta badan la arki jirey iyagoo go´aan ka soo baxay madaxweynaha (= golaha xukuumadda ) oo ay sida dadweynaha oo kale iyaguna ugu jeedaan in uu ahaa ku tumasho sharci, ama go´aan si kale u khaldan, in ay iyana si caadi ah, sida dadweynaha oo kale uga cabiraan aragtidooda shakhsiyadeed saxaafadda. Kuwaas oo markaas muujinaya in go´aankaasi yahay mid khaldan. Iyagoo u muuqda inaanay iyaga ahayn kuwii si sharci ah uga doodi lahaa oo go´aan sax ah uga qaadan lahaa arrinkaas.

Taasi waxay Puntland ka dhigtay, dawlad haysata wax u eg dhaxalkii xukunkii Jamhuuriyadii  Dimuqoraadiga kacaanka Soomaaliyeed. Taas oo ereyga Dimuqoraadi (Democracy) uu la micno ahaa,  anaa iriye idinkuna si wada jir ah gacanta ugu taaga ama ku heesa AABIHII GARASHADA, WADDADII CADDAYD  KU CARRAABIYOOW  iyo wax la mid ah.

Taas waxaa sii dheerayd in natiijada xun ee ka dhalata go´aanka khaldanaa oo uu “ ma qaloocshe, ma khaldame “ (ilaahoow naga najee sharka eraygaase) uu kaligiis gaaray dusha laga saaro iyaga, illeen qofka go´aankaas gaaray waa Ph.D  holder, wax walba yaqaanoo isagu ma khaldamee.

Waxaa ka dhacay Puntland fadeexooyin badan, taas oo keentay in bulshadu su´aal iska waydiiyaan habka iyo sida wax u socdaan iyo cidda ay tahay in ay wax ka qabato?

Waxaa hadda ah wax lagu farxo in goleyaasha dawladda qaybtoodii hore u ahayd kuwo densen ama aan aqoonin shaqadooda (= dimuqoraadiga aynu haysano kuu yahay) in ay hadda muujiyeen xarakaad wanaagsan.

51d

Waxaa muujiyey xarakaadkaas golaha wakiilada, oo go´aano wax ku ool ah ka soo saaray arrin markii hore murugsanayd, sida go´aankii ay ka qaateen Dawladda Xamar 12 July 2015 ee ahaa 5 qodob, iyagoo waliba uga digey golayaasha kale ( = madaxweynaha, oo haysta awoodda golayaasha kale oo dhan ) in ay ku xad gudbaan qodobadaas.

Iyo waliba G´aankii ay ka qaateen 18 August 2015, keenista ciidamo shisheeye ee “Dalka” Puntland, akhri Go´aanka, Ref:-XGGW/DPL/57/2015. Taas oo ah Go´aan ka kooban 2 qodob.

Kaas oo waliba ay si ceeb-astur ah u qoreen. Waxay u qoreen sidatan “ ka dib markii ay dalka ku baahday in Golayaasha dawladda Puntland oggolaadeen in la keenayo ciidamo ajnabi ah sida AMISOM”

Halkii ay ka oronlahaayeen, ka dib markuu MADAXWEYNUHU OGOLAADAY IN LA KEENO CIIDAMO AJNEBI AH.

Xaqiiqda warku wuxuu ahaa in uu madaxweynuhu ogolaaday in la keeno AMISOM isagoo ku amardiidey golayaasha dawladda.

Sikastaba arrini ha ahaatee waa tilaabo hore loo qaaday. Waxaana aad iyo aad  ugu hanbalyeynayaa golaha wakiiladu in ay hadda ku soolaabteen waddadii dimuqoraadiga saxda ah, taas oo ka duwan tii kacaankii barakaysnaa. Mana aha in aad qof isba ka xishoonwaayey ku dumasho sharci, iyo ku tagrifal awood uusan lahayn in looga xishoodo waa madaxweyne.

Sideeda banaanna ma ah in aad shaqadaada uga tagtid oo u gabtid hawshaada, xushamayn qof aan shaqadiisa aqoon.

Waxaan mar labaad leeyahay Hambalyo iyo hawl kama daale weli waa hogadii.

Waxaan sido kale rajaynayaa in golaha caddaaladduna ay iyana waajibaadkooda barandoonaan (=In aysan ahayn maxkamaddii badbaadada) oo ay masuuliyadooda qaadan doonaan. Haddi kale sidaas bay rabitaan qofeed inta ugu shaqeeyaan baa maalinta danbe lagu khudbayn waa juhalo aan wax qori karin, waxna akhriyi Karin ( sidii kuwii inta Gaalkacyo laga eryey loo yiri waxay akhriyi kari waayeen DHAARTII GOLAHA DEEGAANKA)  iyagoo dhanna waan eryayaa sidii marar badan aan u maqalay.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author