Waa maxay calaamadaha Khudbad taariikhi ah?
Sida bada waxaan warbaahinta Soomaalida ka maqalaa, hebel oo jeediyey khudbad taariikhi ah. Eraygu wuxuu noqday mid iska caadi ah oo had iyo jeer la isticmaalo marka uu hadlo ruux ay taageersan yihiin.
Haddaba waxaan rabnaa in aan qormadaan ku eegno, waxa looga baahan yahay khudbad, si ay u noqota mid soo jiidata dhegaha dadka dhegeysanaya amaba u noqoto mid taariikhda gasha.
- Khudbaddu waa in ay leedahay hadaf. Waa in uu jiraa wax la rabo in ay dhegeystayaashu ka qaataan khudbaddaas.
Waa in wuu jeediyuhu ku soo koobi karaa hadafka, humaag si sahlan loo fahmi karo. Sida khudbaddii John F. Kennedy uu jeediyey 1961 oo humaagu ama weerta la xusuusto oo xamabaarsanayd nuxurka amma hadafka khudbaddu ahayd sidatan.
“And so, my fellow Americans, ask not what your country can do for you; ask what can do for your country.”
Oo micnaha Soomaaligu noqonayo, “marka walaalayaal, ha raadinina waxa waddankaagu kuu qaban karro ee raadiya waxaynu u qaban karro waddankeena awgiis”.
Nin wax ka qora “organizational behaviour” oo la yiraahdo Jeff Schmitt mar uu ka hadlayey weertaan wuxuu yiri sidatan.
“Technically, the line itself uses contrast to grab attention. More important, it encapsulated the main point of Kennedy’s speech. We must sublimate ourselves and serve to achieve the greater good”
Taas oo micnaha dahsoon yahay in dhaqanka wax laga badelo si loo gaaro u adeegid danta good.
Tusaalooyinka kale ee oraah dahsoon oo xambarsan micnaha guud, oo waliba taariikhda galay waxaa ka mid ahaa, Ronald Reagan, markuu Ameerika ku tilmaamay “a shining city on the hill”. Taas oo micnaha laga fahmayna ahayd, hiigsi xornimo iyo barwaaqo ku imaanaya in juhdi la bixiyo.
- Waa in ay Khudbaddu isku xirantahay oo ay haysataa jid, bilow iyo dhamaad is wata leh.
- Khudbaddu waa in aysan warqad ku qufulneyn.
Qofka jeedinayaa waa in uu diyaarsan yahay oo uusan inta dadka soo hor istaago uusan warqad akhriyin. Laakiin si uusan uga dhicin khadka khudbadda waa in uu kaliya haystaa, wadeyaal ama erayo xusuusinaya meesha uu u socdey iyo meesha uu markaa ka marayo khadkaas.
- Waxaa kale oo muhiim ah xiriirka jeediyaha iyo dadka uu u khudbaynayo.
Waa in jeediyuhu fahansan yahay cidda ay yihiin dhegaysteyaashiisu oo uu ogyahay waxa ay xiisaynayaan.
- Khudbad leh tusaalooyin, turjumaad wadata oo dhagaystuhu la xiriirin karo noloshiisa.
Obama khudbadiisii taariikhda gashay, ee “yes we can” hadaad dhegeysato, waxaa tusaale ahaan ugu jirtey, islaan madow oo la yiraahdo Ann Nixon Cooper oo jirtey 106 sano marka ay codeyneysey. Waxayna soo martay xilliyo kala duwan oo ay jireen caqabado badan, kuwaas oo la tacaalid fara badan dabadeed la gaaray guulo. Taas oo tusaalaha iyo micnaha ku jira “yes we can” ay tahay in laga guulaysan karo caqabad kasta oo jirta, hadaad juhdi iyo dedaal la timaadid.
- Khudbaddu waa in ay gaaban tahay.
- Waa in uu jiraa odoros dhab ah.
Marka tusaalooyin taariikhi ah la soo qaato waa in ay jirtaa adigu meel aad u socotid iyo sida/qaabka aad u sii wadeysid guulo la gaarey ama uga guulaysanaysid caqabado taagan.
Hadaba ma leeyihiin Khudbadaha saxaafada soomaalidu ku tilmaamaan taariikhi, sifooyinkaas iyo wax u dhaw toona?
Jawaabtu waa maya. Marka la eego hogaamiye-yaasha Soomaalidu waxay inta badan ka hadlaan, wax la soo dhaafay oo kaliya, ama wax aan suurta gal ahayn oo ah riyo been ah sida, Cagaar iyo Nimcaan cagaha idiin darayaa.
Baar oo dib u dhegeyso khudbooyinka, Xasan Shiikh. Wuxuu ka hadlaa mustaqbal iffaya iyo in la illoobo wixii shalay dhacay si loo gaaro mustaqbal “qurux badan” iska riyo aan dhab ahayn, marka khudbaddoo idil waa dhalanteet. Tusaale ahaan waxaa mar uu khudbaynayey ku jirtey hadalkiisii, in uu ku dedaalayo sidii Aabe kasta oo Soomaali ah markuu subaxdii guriga ka baxo uu galabtii usoo laaban lahaa isagoo haysta saxan ay wax ku jiriraan.
Fiiri tan Axmed Maxamuud Siilaanyo. Wuxuu khudbaddoo idil ka akhriyaa warqad aanu marna madaxa kor uga qaadayn. Waxaa war qadaas inta badan ku qoran, wax uu qabtay, wax iska dhicin iyo la dagaalan axsaab siyaasadeed ama mucaarad kale. Marna kama hadlo caqabado jira iyo sida looga baxayo.
Marka la eego Khudbadaha Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) dhammaanteed waa is faanin, sheegasho shaqo uusan isagu qaban iyo inkiraad wax kasta oo wanaag isaga ka horreeyey. Intaas waxaa u dheer isaga, riyo been ah oo uu la doonayo Soomaaliya. Wuxuu ka hadlaa sida ay caruurta Soomaalidu ugu baahan yihiin, biyo nadiif ah iyo wax barasho lacag la aana. Halka kuwa Puntland oo uu isagu xukumona iyaga lagu soo rogey Canshuur aan la aqoon waxa lagu qabto.
Khudbad aan micno badan ku fadhiyin hadii lagu tilmaamo taariikhi, oo maantoo dhan lagu wardiyo inay tahay khudbad qiimo leh, ma ku noqonaysaa taariihki?
Waa maya, oo waxay noqonaysaa wax lagu qoslo. Waxaa intaas dheer in aysan Hogaamiye-yaasha Soomaaliduna aysan wax ka baranayn dhalanteedka ay maalin kasta bulshada la soo dhex istaagayaan.
Waxaa marka habboon si wax u saxmaan in runta laga sheego shayga, ama waxa markaas laga hadlayo. Waa in lagu dhiirradaa in la yiraahdo khudbaddaas waxay ahayd mid xun haday xun tahay si loo helo fursad loogu sheego, waxa khaldan iyo sida ay ahayd in loo dhigo.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com