Faallo: Qul-qulka Itoobiyaanka ee deegaanada Puntland oo faraha ka baxay (Sawiro)

Tahriib-Boosaase-Tahriibeyaal-Itoobiyaan-1

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee maanta la soo dersey dalalka horumaray waxaa ka mid ah qxootga, magan-gelyo doonka iyo kuwa doonaya nolol ka wanaagsan midda ay haystaan sida ay aaminsan yihiin. Dalalka jaarka la ah kuwa bartilmaameedka u ah dadka dhulkoodi ka soo hayaamey ayaa iyaguna qaba dhibaato taas la mid ah waxaana dhaqaale badan uga baxaa ilaalinta xuduudaha, taas oo noqotey mid ay ku guuleysan waayeen kadib markii dad lugeynaya ay dhinac kasta uga soo dhaceen, kuwaas oo ku xayirmey dhulkoodi, waxaana dalalka qaar ay ku kaliftey in ay qorsheeyaan in ay derbiyo ka dhisaan xuduudka looga soo dhacayo sida dalka Hangeeriya (Hungary) oo doonaya in ay derbi ka dhisaan xadka ay la wadaagaan Seerbiya (Serbia), halka dalka Makadooniya (Macedonia) maalinrii ay galaan 3000 oo qaxooti ah oo socda yurubta kale.

IMG_0197

Dalka Itoobiya oo jaar la ah Soomaaliya kama jiraan dagaalo ay dadku ku barakacaan, marka laga reebo qul-qulatooyin aan badneyn, Dadka Itoobiyanka aya ka mid ah kuwa dunida ugu fakhrisan, waxaana ka jirta shaqo la’aan baaxad leh. Itoobiya ayaa ah dalka labaad ee ugu dadka badan Qaarada Afrika, sidoo kale waxaa lagu tilmaama dalalka ay sida xawliga ah dadkiisa u tarmayaan oo u badanayaan, inkasta oo kheyraad badan Itoobiya leedahay haddana waa dal aan lahayn Xeeb wax uga soo degaan, Itoobiya oo taariikh dagaal iyo diblomaasiyad xumo dheer ay horey ula wadaagtey Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in ay door muuqda ku leedahay xaaladda ka taagan Soomaaliya.

Muddo aad u dheer waxaa gobolada Puntland ee dhaca Waqooyiga Soomaaliya marin iyo hoyba u noqotey Itoobiyaan dhulkoodi ka soo hayaamey, kuwaas oo doonaya in ay u shaqo tagaan dalka Sucuudi Caraabiya, Itoobiyaanka shaqo doonka ah ayaa dhibaato badan u mara sidii ay Sucuudiga ku tegi lahaayeen.

Tahriib-Boosaase-Tahriibeyaal-Itoobiyaan-3

Safarkii geerida

Ma jirto xaalad ka xun marka qofka bini’aadamka lagu khasbo in uu dhulkiisi ku cararo isla markaana naftiisa la baxsado, waxayse taasi ka duwan tahay markii u doonaayo in uu helo nolol ka geddisan midda uu haysto, iyada oo aysan jirin wax dadka Itoobiyaanka ah soo barakiciyey ayaa lagu tilmaami karaa safarka ay u galaan Sucuudiga midkii geerida.

Itoobiyaanka ka soo hayaamey dhulkoodi, waxaa ku dhiiri geliya oo kala shqeeya kuwa ka ganacsada tahriibinta dadka, safarkooda ayaa ku soo bilowda lug ay uga soo baxaan dalkoodi, waxay soo maraan Somaliland ee gobolada Waqooyi Soomaaliya, qaarkood lug ayey ku soo dhexmaraan halka in badan oo ka mid ah gawaarida Waaraadka ah lagu soo qaado, waxaana lagu soo daadiyaa meel aan waxba ka fogeyn Garoowe.

Maamulka Puntland ayaa soo saarey go’amo xaaraam looga dhigaayo dhamaan tahriibta kuwa sii tahriibaya, kuwa soo tahriibaya iyo kuwa ka shaqeeya, gaadiidkasta iyo qofkasta oo lagu qabto ayaa la sheegaa in sharciga lala tiigsanayo (Akhri go’amadaas)

Haddii aan dib ugu noqono Itoobiyaankii lagu soo daadiyey meel ku dhaw magaalada Garoowe, ayaa safarkooda ku bilaaba in ay socod ama lugeyn ugu safraan magaalada dekadda ah ee Boosaaso, taas oo u jirta qiyaastii fogaan dhan 450-500km!

Markii aad ku safarto waddada u dhexeysa Garoowe iyo Boosaaso waxaa jidka raxan-raxan u soconaya dad Itoobiyaan ah, kuwaas oo ay ka muuqato nolol aad u adag, daal iyo rafaad, waxaana ay deris la noqdeen harraad & gaajo. Waddada laamiga oo ah mid aad u khatar badan ayeysan dhana uga leexan karin, maadaama ay iyadu tahay jiheeyaha ay ku socdaan dalkana aysan kala aqoon. Xilliga lagu jiro ayaa ah mid kuleyle ah waxaana dhaca dabylo xoooggan oo ah kuwa Xagaaga, qaarkood waxa ay la baxaan dharkooda oo madaxa ku xirtaan, halka aad arkeyso kuwo cagaag ku socda oo cagta aysan kabo ugu jirin, waxay gacanta u taagaan gawaarida iyaga oo codsanaya gar-gaar. Dadka Soomaaliyeed waxay siiyaan wixii ay markaas wataan sida biyaha ama sahay kale oo cunno ah. Itoobiyaanka hayaanka ugu socda Sucuudiga ayaa waxaa hadda ka mid ah haween iyo gabdho yar-yar kuwaas oo ka qayb-qaadanaya safarka geerida. Inkasta oo aanan arag waxaa dadka qaarkiis ii sheegeen in ay jiraan kuwo jidka ku geeriyoodey kadib markii safarkii adkaa xanuun ugu darsamey. Mararka qaarkood waxaad arkeysaa mid jidka looga tegey oo keligii socda, biyo aan wadan cagahana dhulka ku jiidaya oo ay ka muuqato dhibaato baaxad weyn. Dadkaan habeenkii oo ah xilliga ugu wanaagsan ee dad lugeeyaa socdaan waaa seexdaan, waxaana ay marti u yihiin habardugaaga iyo halaqa dhulka hostiisa gala ee habeenkii micida wax ku dila.

Inta badan dadkaan ma helaan gawaari ku kaalmeysa in ay qaadaan oo gaarsiiyaan Bosaso, sababtu maxay tahay?, sida aan kor ku xusnay maamulka Puntland waxa uu ka soo saarey sharci xaaraam ka dhigaya shaqada dadkaani ku jiraan, dadka wadayaasha ka ah gawaarida ayaa kuu sheegaya haddii ay qaadaan Itoobiyaan si sharci darro ah ku socda, in Kontroolka ugu horeeya looga dejinaayo isla markaana gaarigii lagu qabto la dul dhigaayo ganaax lacageed, waxaase nasiib darro ah in dadkaan hayaan ka ah aysan ka leexaneyn Kontroolka haddii ay lugeynayaan oo isbaarada ay ka gudbayaann!, mid kamid ah kuwa ilaaliya Kontroolada ayaan weydiiyey waxa ay ku kala duwan yihiin marka ay lugaynayaan dadkaan oo loo oggolaanayo in ay gudbaan iyo marka ay gaari dusha ka saaran yihiin, waxa uu ku jawaabey awood uma lihin dad qul-qulaya aan ku celino, haddiise loo oggolaado in ay gawaarida raacaan Itoobyada 90-ka milyan ah ayaa ku soo jabaya Puntland, marka haka waasheen safarka adag ee ay marayaan!. Taasi maaha mid celisa oo waxaan ogaadey qaar kamid ah kuwa safarka lugta ah ku jira in laga tarxiiley dalka Sucuudiga laguna celiyey dalkoodi Itoobiya, iyaga oo markii hore safarkan marey kuwaas oo mar kale dib u soo galay safarkii ay ogaayeen iyaga oo khibrad leh!.

Kuwa ka ganacsada Tahriibta

In badan oo kamid ah dadkan Itoobiyaanka ah ee nolol doonka ah ayaan safarkooda ku dhamaysan lugeyn, waa kuwa haysta xoogaa lacag ah ama loo soo diri karo, waxaana ay lug ku soo garaan degmada Qardho, halkaas ay ku sugan yihiin kooxo isku xiran oo ku qaada gawaarida loo yaqaan NOAH, midkasta oo ka mid ah dadkan ayaa laga qaadaa ugu yaraan 30$, si gaarigu u gaarsiiyo Bosaso, iyada oo qiimaha safarka Qardho-Boosaaso caadi ahaan uu joogo 12$.

Ugu yaraan 7 Isbaaro ayaa yaala waddada isku xirta Qardho iyo Bosaso, Saacadaha Magafayaashan cusub ay qaadaan dadkan ayaa ah habeenkii xilliga dadku seexdo, waxaana ay Isbaarooyinka ku maraan lacag. Wararka ayaa sheegaya in dusha la iska saaro oo gaariga lagu qaado dad ku dhaw 25 qof kuwaas oo midkiiba bixiyey 30$. Goobaha kale ee gawaaridan looga qaado waxaa kamid ah Tuulooyinka Sheerbi iyo Xidda. Magaalada Bosaso waxaa ku sugaya kooxo kale oo maafiyo ah kuwaas oo qaabilsan dejintooda, isla markaana u diyaariya safarka badda ay ku fuulayaan.

Nolosha Boosoaso

hurdaaye

Magaalada Boosaaso ayaa si weyn u dareemaysa dadkan Itoobiyaanka ah ee ku soo jabey, markii aad booqato xaafadaha ay sal dhigteen waxaad dareemaysaa in aad soo gashey adduunyo kale, ma haystaan hoy wanaagsan iyo musqulo, waxaana ay jiifsadaan derbiyada, maalintii waxay harsadaan hoosooyin, Boosaaso waxay ku jirtaa xiligii xagaaga, nadaafad darrada iyo dacdarada ka tagaan halka ay deggan yihiin waa mid qalbi xanuun leh. Dadka deriska la ah xaafadaha ay saldhigyada ka dhigtaan ayaa cabasho weyn ka muujiyey nadaafadda iyo dhibaatada ay dadkaani la yimaadeen, qaarkood waa isaga guureen xaafadahaas, waxaana Itoobiyaanka tahriibta ah ay ku saxaroonayaan dariiqyada xaafadaha ay degan yihiin.

Dagaalada Yaman

Waxaa dad badan is weydiinayaa sowtan Yemen laga soo qaxayo maxay yihiin kuwa tahriibta ku ah xilli Yaman ay ka socdaan dagaalo sokeeye!. Waxaan dhihi karnaa waxaa si weyn u siyaadiyey qul-qulka dadkaan waaa xaaladda Yaman ee faraha ka sii baxdey, waxaa isku xirmey mukhalasiinta jooga Yaman iyo kuwa Soomaaliya, kuwaas oo dadkaan ka dhaadhiciyey in aysan Yaman ka jirin wax Dawlad ah si fududna ay ku tahriibi karaan, waana xaalad la mid ah tan hadda Liibiya ka taagan oo tahriibtii kor u qaadey markii Xukuumaddi Qaddaafi meesha ka baxdey, arrintisu sidaas waa ka duwan tahay!.

Sawirada xarunta ay Bosaso ka degan yihiin

Dalka Sucuudiga oo qayb ka ah dagaalka Yaman isla markaana hoggaaminaya xulafada dagalka kula jirta Xuuthiyiinta ayaa si weyn u ilaalinaya xuduudkiisi, waxaana la soo dhoobey ciidamo aad u faro badan tan oo ka geddisan markii hore, xuduudka Sucuudigu la wadaago Yaman waxaa u badan dadka aaminsan mad’habta Shiicda ee dagaalka kula jira Sucuudiga iyo Xukuumaddii Yaman ee ay inqilaabeen, waxaana la is weydiinayaa sida dadkaan oo mar kale soconaya ay ku dhaafayan xuduudka la soo dhoobey ciidankii Sucuudiga oo dhan. Dadka Itoobiyaanka ah ee ka soo hayaamey dalkoodi ayaa ah dad masaakiin ah, fakhri ka muuqdo isla markaana ka arradan asaaaska nolosha, malahan waxbarasho lama socdaan caalamku halka kuu marayo warka ay hayana waa mid iska yar.

Waxaa la aminsan yahay in dadkaani noqon doonaan xaabadii dagaalada ka aloosan Yaman isla markaana malayshiyadka Xuuthiyiintu hubka ku rari doonaan kuna khasbi doonaan in ay u dagaalamaan iyaga oo gabbaad ka dhiganaya.

Puntland xal ma u haysaa Itoobiyaanka hayaanka ah?

Puntland waxay dhibaato xooggan ku qabtaa Itoobiyaanka ku soo qul-qulaya, dhibaatooyinka waxaa kamid ah, dadkaan oo noloshooda khatar u geliyey isla markaana safarkoodu yahay kii geerida, dhibaatooyinka waxaa kamid ah:

Amni xumo, maadaama aan dadkaan la aqoon waxay yihiin
Dhaqaalo darro
Nadaafad xumo, iyo xumeynta bilicda magalooyinka
Cuduro aan la aqoon oo ay la iman karaan
Ugu danbeyn waxay hallis ku yihiin naftooda.

Dadkaan waa bini’aadam u baahan in la kaalmeeyo, sida shacabka Puntland u kalmeeyaan markii ay lugaynayaan isla markaana aysan ugu xadgudbin amnigooda, sidoo kale laga hortago khatarta ay naftooda gelinayaan, oo gacmaha laga qabto.

Maamulka Puntland waxaa la gudboon in ay fuliyaan sharcigii ay ka soo saareen, dadkaana looga hortago halka lagu soo daadinaayo marka gawaarida lagu soo qaado, kuwa lugaynaya oo dib loo soo celiyo, kuwa gaarey xarunta ganacsiga ee Boosaaso oo dib looga soo daabulo, isla markaana la geeyo xuduudka dalkoodi, haddii aysan Puntland awood u lahayn arrintaas waa in ay iskaashi weydiisato dalka Itoobiya oo dadkaani ka soo jeedaan iyo hay’addaha ku shuqul leh sida IOM.

XIGASHO: Horseedmedia.net

About The Author