Daawo Video-Dhamaystiran: Ciidamo Carmo tababar loogu furay una badan G Mudug!!
27 Agoosto 2015 (Puntlandes) Ciidamo intooda badan laga keenay Gobolka Mudug una badan Beesha Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS ayaa waxaa dhawaan tababar loogu furay Kuliyadda Tabarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Carmo.
Ciidanka laga keenay Gobolka Mudug ayaa waxay gaarayaan 342 Askari oo lagu sheegay inay ka kooban yihiin qaybaha Ciidamada Booliska, Kuwaas oo GAAS kasoo Xulay Gobolka Mudug tagistiisii kadib, hoos ka daawo markii Gaalkacyo laga qaadayey Ciidamadaas.
GAAS ayaa wuxuu caan ku yahay Musuqmaasuq iyo Qabyaalad isagoon ka xishoon waxuaalaha qaarkood iyo inuu Cadaalad ku maamulo Puntland, taasoo ahayd wixii lagu doortay.
Lacagtii Faalsada ee GAAS oo loo balanqaaday Ciidankan
Waxaa si cad Taliyaha Booliiska Puntland uu ugu sheegay Wasiirka Maaliyada Puntland in Ciidamada uu u sheego in Bishan Mushahaar la siinayo, daawo daqiiqada 44:10, si aad u aragto. Lacagta la siinayo Ciidamada ayaa ah sida ay Warbaahinta Punytlandes ogaatay lacag Faalso ah oo GAAS iyo Ganacsato sheer ku leh ku daabaceen Bangiga Bosaso.
Daawo Munaasabadaas oo dhamaystiran
Puntlandes.com