Shirkii loogu magac daray “Wada tashiga bulshada Puntland”

Shirkii loogu magac daray “Wada tashiga bulshada Puntland” oo runtii ahaa ballanqaadkii ugu horreyey ee uu Dr. Gaas ku balanqaaday doorashada ka hor oo hirgalay, ayaan waxaan rabaa in aan falanqayno mirihii ka soo bax.

Dooda shirka wixii ka soo baxay waxaa saldhig u ahaa afartaan qodob.

  • Waxay garowsadeen oo si cad u tilmaameen sababaha keenay habaca ku jira hanaqaad dawladeed oo dhab ah.
  • Waxay ka hadleen ulajeedkii iyo yoolkii loo aas aasay Puntland.
  • Markaas bay waxay sheegeen in Yoolkaas la gaarey.
  • Waxay intaas ka dib soo saareen talooyin ay u arkeen in lagu sixi karo wixii khaldamay, si loo helo dawlad taabo gal ah.

Haddaba talooyinka ka soo baxay shirku jawaab ma u noqon karaan wixii ay ka doodeen?

Waxaa ka soobaxay talooyin qiimo leh, laakiin u baahan in wax badan mugdiga laga saaro. Hadii kale talooyinku waxay noqonayaan kuwo aysan waxba ka suurtoobin.

Qodobka ugu horreeya uguna muhiimsanaa doodda, wuxuu ahaa in la fahmo cudurka jira. Waana la isla qeexay in dhibka ay u taabogeliweydey dawlad dhab ah oo reer Puntland yeeshaan uu yahay in dhaqaalihii, xoogii, iyo caqligii Puntland la geliyey sidii loo helilahaa Dawlad Soomaaliyeed oo federal ah.

Mar haduu yoolku ahaa in dawlad, Xamar laga dhiso laguna guulaystey,  khalad weeye in laga sugo xukuumaddii timaadda in ay wax ka qabato arrimaha Puntland u gaarka ah maadaama uusan Yoolku ahayn sidaas.

Marka la fiiriyo waxaa shirku aqoonsaday in Yoolkii loo aas aasay Puntland la gaaray.

Su´aasha dad badan isweydiin karaan waxaa weeye, maxay tahay dhibka iyo habacsanaanta laga hadlayo markaas. Haduuba Yoolka Puntland loo aas aasay uu ahaa raadin dawlad Soomaaliyeed, laguna guulaystay middaas.

Sow ma ahayn inay Fanta/Coca cola  isku dhufsadaan yiraahdaana “Cheers”  oo ay debbaaldegaan.

Sababta aan taas loo oran, oo aan guushaasi aysan guul ugu muuqan,  anaa ka jawaabaya waana sidatan.

Dawladay qireen in ay iyagu maalkoodii, caqligoodii iyo cududoodii u hureen, kana miro dhaliyeen, yagleelkeedu ma noqon mid ay iyagu wax ku leeyihiin( Waxay arkeen in ay 25 sano  dhisayeen guri nin kale leeyahay).

Waxay Dawladdaasi iyadoo ka faa´idaysanaysa Awoodda dawladeed ee ay ku heleen dhaqaalihii, maskaxdii iyo dhiigii wiilashii reer Puntland, bilaabeen burburinta Puntland. Iyagoo kala dagaalamay horumarkii (kuwaasoo ka cayriyey shirkado maal gashi) waxbarashadii iyo siyaasaddii. Waxaa waliba intaas dheer in malaayiin dhaqaale Soomaaliya oo dhan loogu deeqay,  bal daa in ay Puntland qaybteeda ka heshee, loo isticmaalay isku dirka iyo burburinta Puntland.

Intaas markay dhacday. Waxay reer Puntland dhexda u xirteen muddo badan in wax la soxo, taas oo keentay wadahadalo iyo heshiisyo badan oo aanay dhamaantood waxba ka fulin.

Intaas ka dib, waxay reer Puntland Garteen in ay wax ka bedelaan Yoolkoodii hore oo ahaa in Puntland loo aas aasay una jirayso Raadin dawlad Soomaaliyeed.

Hadaba waa meeshaan meesha shirka qodobada ka soo baxay iyo xaqiiqdu ku kala tageen ama isku dhaafsan yihiin.

2b

Puntland waxay beddeshey Axdi qarameedkii dhigayey Raadin Midnimo qaran oo shuruud la´aan ah. Waxaana lagu bedeley Dastuur dhigaya, qodobka 3 farqadiisa 4, in ay dawladda Puntland u banaantahay in ay dib u eegto ka mid ahaanshaha Dawlad Soomaaliya,  B) hadii ay Soomaalidu ku heshiinweydo  Qaab- dhismeed dawladeed aan ka hoosayn nidaam federal ah iyo T) ay daba dheeraadaan daganaansho la`aanta iyo dagaalada ka aloosan koonfurta Soomaaliya.

Hadaba waxaa ka soo baxay shirka qodob aad moodo in si ula kac ah, la isaga indho tiray Yoolka cusub ee Puntland, oo ah raadin nidaam Soomaalidu  heshiis ku tahay ( Shuruud baa markaan lagu xiray) kadib markii la arkay in dhawr iyo labaatan sano dabadeed aanay muuqan rajo ah soo celin dawlad Soomaaliyeed oo fedraal ah.

Shuruudda Koowaad mar hore baynu aragnay in aan Koonfurta Soomaaliya laga rabin. Waana nidaamka federalka ah, iyaga oo caqabad  ku noqday wax kasta oo soomaaliyi ku heshiisey. Waxaa ugu danbeeyey dastuurkii ummadda oo la tirtiray, iyo magacow gudiyo iyo xeerar u adeegaya nidaam kali talis ah. Bal hadda Afrikaan baa waardiyeeyee maxay fali lahaayeen haday haysan lahaayeen ciidan ay leeyihiin?? Soo Puntland kuma weerareen?

Markii arrinkaas Baarlamaankeenu ka dooday waxay go´aamiyeen in lasiiyo kama dambays October bal in la saxo waxa khaldan. Hadii ay taas dhici weydo in ay Puntland ka tashanayso aayaheeda.

Waxaa wax lagu qoslo ah in shirku isagoo la socdey taxanaha siyaasadda qalafsan ee Soomaaliya oo waliba caddeeyey in dhibaatada Puntland la degtey tahay  raadinta Qaran Soomaaliyeed oo la wada leeyahay.  in ay soo saaraan qodob oronaya.

Waa in Dawladda federaalka iyo Dawladda Puntland dhameeyaan khilaafaadka jira.

Waxay mar sadexaad iska indho tireen raadintii hagar la´aanta ahayd ee reer Puntland geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen in la helo xal soomaaliyeed. Iyagoo ogaa inta heshiis lala saxiixday Dawldda Xamar aan waxba ka suurto gelin.

Iyagoo og in ay sheegatay dhul ka tirsan Puntland oo ay ka mid tahay magaalada ay ku shireen ee Gaalkacyo.

Iyagoo og in dhamayn khilaaf iyo raadin soomaalinimo aan lagu heli karin rabitaan hal dhinac ah.

Qodobkan talada ah wuxuu caqab ku noqonayaa kuwa kale oo aad muhiim ugu ahaan lahaa hadii lagu dari lahaa in maalka, maskaxda iyo muruqa loo mideeyo ujeeddo iyo Yool helid dawlad Puntland oo taabo gal ah. Laakiin inta wali maalkii, maskaxdii iyo muriqii aan loogamaarmin Xamar, oo iyagu ku foogan waligoodna ku foognaandoona burburinta Puntland, waxay soo kor dhinayso maleh, in dad ay qaramada midoobey ka bixinayso kharashka ku baxaya, inta meel la isugu keeno, loo qoro waxay soo saari lahaayeen oo ah Qodobkaan aan micnaha badan samaynayn, marka xaqiiqda la eego.

Shirkaan taladii way dhaaftaye, kan Issimadu iyagu ha ka doodeen Qodobkaan oo markaa ha go´aamiyeen laba midkood.

Yoolka ku yaal dastuurka ha tirtireen oo haku celiyeen kii hore oo ahaa Raadin Midnimo Soomaaliyeed shruud la`aan. Puntland ha u Baaba´do middaas, oo yaan la raadin wax aad adigu khiyaarkaa uga tagtay.

Ama ha qaateen Dastuurka, oo ha ka tageen daba socod cid aan iyagu danaynayn midnimo Soomaaliyeed.

Haddii kale sheekadu waa “Cudurka kaa gala Fardaha hadii laga gubo Dameer dawada lama gaaro”  shirkiinuna waa shimbirayahow heesa.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author