Dhagayso: Siilaanyo oo diiday Go’aankii Wakiilada Somaliland ee Haamaha Berbera
2 sebtember 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta soo saaray digreeto uu ku diidayo go’aankii Golaha Wakiilada Somaliland ku diideen in Haamaha keydka shidaalka ee magaalada Berbera lagu wareejiyo shirkado gaar loo leeyahay.
Madaxweynaha ayaa Go’aanka Golaha Wakiilada Somaliland ku tilmaamay Go’aan Dastuurka Somaliland ka hor imanaaya.
Dhagayso Waasiirka xidhiidhka golayaasha ee Somaliland Cali Xaamud Jibriil waraysi arrinkaas ku saabsan siiyey VOA
Puntlandes.com