Daawo Video: Taliyaha Booliiska PL oo ka warbixiyey Ciidamo ka tirsan Booliiska G Bari oo loo qaaday Xerada ABQAALE ee Mudug
3 sebtember 2015 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Cabdirisaaq Afguduud ayaa maanta ka war bixiyey Ciidamo ka tirsan Booliiska Gobolka Bari oo maanta loo qaaday Xerada ABQAALE ee taala Gobolka Mudug.
Ciidanka ayaa Gobolka Mudug tababar kusoo qaadan doona muddo ka badan bil. Waxaa xusid mudan in Ciidankii Gobolka Mudug iyaga loo qaaday Akadeemiyada Ciidanka Booliiska ee CARMO halka kuwa Gobolka Bari loo qaaday ABQAALE.
Tan iyo markuu la wareegay Den Cabdirisaaq Afguduud Taliyenimada Ciidanka Booliiska Puntland wuxuu waday Tayeyn iyo Tababarid iagoona Balanqaaday inuu isku dhafi doono Ciidanka Booliiska Puntland.
Daawo Ciidamadii Gobolka Bari oo loo qaaday Xerada ABQAALE ee Gobolka Mudug