Sawiro: Amiirka Beesha Reer Khalaf Amiir Maxamuud oo Wafdigii Madaxweyne Gaas & Isimo qado sharaf ugu sameeyey beertiisa
4 Sebtember 2015 (Puntlandes) Amiirka Beesha Reer Khalaf Amiir Maxamuud Ciise Yuusuf oo ka mida Isimada ugu Tunka wayn Gobolka Mudug ayaa maanta Beertiisa oo ku taala deegaanka Dhagaxyo-cadde ee Gobalka Mudug Qado sharaf ugu sameeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS iyo Isimadda Gobalka Mudug.
Dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa madaxweynaha si weyn ugu soo dhaweeyey markii uu soo gaaray Beerta amiirka, waxaana ay wateen calamada Puntland , Soomaaliya iyo Caleemo qoyan iyo sidoo kale dhar laga tolay calanka Puntland.
Qado sharafta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Cuqaal, Nabadoono, Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale oo lagu martiqaaday qada sharafta uu amiir Maxamuud Ciise Yuusuf u sameeyey Madaxweyne Gaas.
Qadada kadib ayaa waxaa madasha khudbado kala duwan ka soo jeediyey dhammaan salaadiintii lagu casumay, waxaa ayna Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ku amaaneen dadaalka horumarineed ee ay dalka kawadaan gaar ahaana Gobalka Mudug.
Waxay dhammaan Isimadu sheegeen inay taageero buuxda u hayaan dadaalka horumarineed ee dib loogu soo celinayo bilicda iyo xasilinta amaanka Gobalka Mudug , taasi oo uu hormuud ka yahay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay goobta ay qado sharaftu ka dhacday ayaa sheegay, inuu soo dhawaynayo sida ay Hawluhu uga socdaan Gobolka Mudug Guud ahaan iyo Puntland.
Daawo Qado Sharafka uu Amiir Maxamuud Sameeyey
Puntlandes.com