Daawo Video: Madaxwayne Gaas ”Ka tagi mayno Gaalkacyo iyadoo Shaqadu Qabyo tahay”
5 Sebtember 2015 (Puntlandes) Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS oo Shalay ka hadlay, Qado Sharaf uu Amiirka beesha Reer Khalaf ugu sameeyay Beertiisa oo ku taala Degaanka Dhagaxyo-cade oo ka tirsan Magaalada Gaalkacyo Wafdigii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS iyo Isimadda Gobalka Mudug, ayaa sheegay inuusan Gobalka Mudug ka tagayn inta ay Qabyada tahay Howsha Qurxinta Magaalada iyo Sugida Amnigeeda taasoo Albaabka u furaysa Horumarka Gobolka Mudug.
Magaalada Gaalacyo ee Xurunta Gobolka Mudug ayaa waaa ka socday labadii todobaad ee lasoo dhaafay bur burinta Guryo iyo Goobo Ganacsi oo si sharci darada ah loo dhistay 25kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ay dhinac socdaan qaabeynta magaalada oo wadooyinkii loo samaynayo lana duminayo Guryihii kusoo aada.
GAAS ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii loo sixi lahaa wixii ka khaldamay magalada Gaalkacyo.
Midowga Shacabka Mudug
Dhanka kale Gaas ayaa wuxuu sheegay in Kulankan Qadada ee uu Amiirku sameeyey uu muujinayo Midow, inuu aad ugu Faraxsan yahay inay Midoobaan Shacabka Gobolka Mudug iyadoo uu Midowga Shacabka Mudug uu Fure u yahay Horumar uu ku tilaabsado Gobolku.
Daawo Khudbadii GAAS ee Qado Sharafeedkii uu sameeyey Amiir Maxamuud
Puntlandes.com