FAALLO-Dhageyso: Cabdikariin ”Anaga & Puntland wada hadalo ayaa noo socda” GAAS???
6 Sebtember 2015 (Puntlandes) Hogaamiyaha maamulka aan Dastuurka waafaqsanayn ee Sharci darrada ah ee ay Cadaado ku dhoodhooobtay DFS Cabdikariin Xuseen Guuleed oo waraysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in ay wadahadalo u socdaan Puntland kuwaasoo ku bilowday kuwo dadban dhawaana isku rogi doona kuwo toos ah.
Dhagayso Cabdikariin oo sheegaya inay wadahadalo u socdaan Puntland
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa DFS waxay madax uga dhigtay maamul aan waafaqsanayn Dastuurkii ummadda Soomaaliyeed ku heshisay oo ahaa in ay Dawlad Gobaleed noqon karaan laba Gobol iyo wixii ka badan, isagoo Cabdikariin haysto Koonfurta Mudug iyo Galgaduud oo ah Gobol iyo NUS taasoo aan waafaqsanayn Dastuurka.
Si loo abuuro Muran ku dambeeya inay Gobol iyo NUSku ay dawlad u noqdaan ayaa Kooxda Xasan Sheekh waxay bilaabeen muran ku salaysan waxaan maamul u samaynaynaa labo Gobol oo dhamaystiran oo ah Mudug iyo Galgaduud. Waxaa halkaas lagu sheegtay dhul baaxad wayn oo ay Puntland leedahaya kana tirsnaa kasoo ah Waqooyiga Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS oo u dhaartay ayna mas’uuliyadiisu ahayd inuu ilaaliyo midnibada dhuleed iyo midka dadeed ee Puntland ayaa u sahlay Kooxda Villa Somalia ee Damul JADIID inay BOOBAAN ama sheegataan dhulka Puntland maadaama uusan xiligii ku haboonaa u istaagin difaaca dhulka Puntland, ee uu inta badan iska aamusnaa.
Gobolada Sool, Sanaag iyo cayn ayaa hore wuxuu Caalamku u geliyey maapka Soomaaliya dhul lagu muransan yahay, maanta waxaa noqday dhul lagu muransan yahay Waqooyiga Mudug, (eeg sawirka Hoose), oo ay dadkeedu yahay shacab reer Puntland ah aana ka qayb gelin waxna ku darsan wixii ay Cadaado ku dhoodhoobaysay DFS.
Aqalka Cilmi baarista ee Chatham House, magaalada London ayaa Daraasaad ka sameeyey Xaalada mustaqbal ee Soomaaliya, hoos ka Akhriso 20150902 SomaliaFederalFutureMosley
Disputed area (dhul lagu muransan yahay)
Dhul lagu muransan yahay ” Disputed area” waxay noqonaysaa meel ama dhul aan wax Mashaariic Horumarineed aan laga Fulin, dhul aysan tegin Hay’adaha Deeqaha Bixiya ama dadka caawiya, dhul la isku haysto ciddo uu sharciyan hoos tagayo.
Madaxweyne GAAS ayaa mas’uul ka ah in Mudug Shaki la geliyo
Gobolka Mudug ee Puntland inuu noqdo dhul lagu muran waxaa mas’uuliyadeeda qaadanaya madaxweyne GAAS. Waxaa wax lagu Qoslo ah inuu khaasatan GAAS kasoo jeedo Gobolka Mudug ee maanta Midabka madow lagu qoray uuna difaacan kari waayey Gobolkiisa, yaa lagu eedeeyaa ”GEEL NINKII LAHAA UU DHACAYO” GAAS isagaa u sahlay Kooxda Villa Somalia iyo wasiir Odowaa oo aan BOOBI karin inay BOOBAAN Mudug.
GAAS waa dayacay Gobolka Mudug JILEECIISAANA u sahlay in ninba cad GOOSTO ama hawaysto inuu goosto. Waxaa la gaaray xiligii GAAS lagula XISAABTAMI lahaa Mas’uuliyadii loo dhiibtay ee uu dayacay, waxaana la oran karaa wuu FASHILMAY.
Puntlandes.com