Casho sharaftaas oo ay soo agaasintay Qurba joogta Puntland ee Finland ayaa aqoonyahanadii ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Finland Mudane Deeq Cusmaan Gurxan
Munaasabadda kulanka Casho Sharafta Loo Sameeyey Wasiir ku Xigeenka Maaliyada ee Maamul goboleedka koonfurta Somaliya Mudane Mohamud Abdullahi hussein (cadaawe) ayaa waxaa ka hadlay aqoonyahanada Soomaalida ee dalka Finland degan, waxayna sheegeen in Wasiirku soo dhoweynta qiimaha badan ee loogu sameynayo dalalka Yurub uu ku kasbaday somalida qeybaheeda kala gedisan.
Kulanka ay wada qaateen Wasiirka iyo qurba-joogta Reer Puntland ee Finland ayaa ku saabsanaa Xog-waran dardaaran iyo Wadatashi dhexmaray Jaaliyada iyo Wasiirka .
Shacabka Reer Puntland ayey caadadood tahay sooryada iyo ixtiraamka,qadarinta ay marwalba ku qaabilaan masuuliyiinta qaranka Soomaliyeed ee safarada shaqo ku taga wadamada ay ku dhaqan yihiin jaaliyadaha soomaliyeed ee ay marwalba ka muuqato wadaniyada iyo geesinimada ay u hayaan dalkooda hooyo.
Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland Mudane Abdifatah Jama (Janagale) Ayaa dhankiisa la dardaarmay Wasiirka kuna dhiirageliyey inuu dadaalkiisa sii wado aruuriyana dhamaan umada Somaliyeed meel walba ay joogto Wakiilka wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay in Wasiirka soo booqdo Finland Jaaliyadana ay garab taagan tahay.Wakiilka ayaa sidoo kale ku booriyey wasiirka in dib u heshiin u sameeyo dhamaan walaalaha somaliyeed ee gudaha ku sugan.
Gudoomiyaha Dalada Qurba-joogta Puntland ee Finland Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale ayaa Wasiirka warbixin kooban kasiiyey waxqabadka jaaliyada sidoo kale gudoomiyaha ayaa ku amaanay dadaalkii iyo waxqabadkiisa Wasiiirka kulana dardaarmay inuu somali mideeyo una israago sidii umada somaliyeed dib u heshiin sax ah loogu abuuri lahaa iyo cadaalad.