Daawo video: Safiyo Ashkir Cali oo marti ku ah Barnaamijka Astaan Horumar ee PLTV Melbourne Australia

7 Sep 2015 (Puntlandes) Safiyo Ashkir Cali oo ah Gabar isku xilqantay una istagtay, inay caawiso agoonta  ayaa  waxay  wareysi siisay barnaamijka Astaan Horumar ee ka baxa  Puntland VT, qeybtiisa wadanka Australia  gaar ahaan Magaallada  Melbourne ee uu soo saaro Wariye Cabdi Cilmi (Cabdi Yare)..

71c

Safiyo Ashkir Cali Seed,  oo gacanta ku haysa  Xarunta Agoonta ee deeggaanka Cagaaran ee Gobolka Mudug ayaa baaq u dirtay qurba jogta Puntland  inay ka qeyb qataan dhamaystirka Collge-ka agoonta ee  Gobolka Mudug  gaar ahaana Deeggeenka Caagaran..

 Xarunta oo loo dhisaayo  Carruurta   agoonta ee aan awoodin waxbarashada Asaasigaa  ayaa waxaa  gacanta ku haya Safiyo Ashkir Cali Seed   waxaana dhismmaheedu soo  bilowday 21,diseebar 2013, Safiyo  Ashkir Cali ayaa baaq), u diraysa Qurba jogta Puntland , meel kasta oo ay adduunka ka jogaan inay gacan ka  gestaan kuna sadaqaystaan  maalkooda xarunta agoonta loo dhisaayo..

Daawo Barnaamijka Astaan Horumar

Safiyo  Ashkir Cali Seed  ayaa   waxay tiri  dadka Puntland waa inay ka dhabeeyaan Hadalkii Madaxwaynaha Puntland  ku dhawaaqay ee ahaa  in la isku tashado  waa in la isku tashado oo si wada jira wax loo qabsado ayey  tiri  Safiya Akshir oo bookhasho ku jogta Australia  gaar ahaan Magaallada  Melbourne. Si ay ula  kulanto Jaaliyadda Puntland ee dalka  Australia..

Waxaad  kala soo xiriiri kartaa’
Hormuudka  Xarunta Agoon daryeel”
Safiyo Ashkir Cali Seed 
Telefoonadan    Australia 
+0061499280668 ama +447415314674—  Uk

 

About The Author