Reer Faroole oo Xaasidnimada ay Mudug u qabaan Qarsan kariwaayey (Jawaab ku socota Garoweonline)
7 Sep 2015 (Puntlandes) Waxaa shalay oo Taariikhdu ahayd 6da sep 2015 lagu soo daabacay Website-ka (Garoweonline) uu leeyahay WIILKA Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo lagu magacaabo Maxamed Qoraal uu Cinwaan uga dhigay ”FAALADDA WARKA: Safarka madaxweynaha Puntland ee Gaalkacyo” kaasoo aan Xambaarsanayn Dulucda Qoraalka, Halkan ka akhriso Qoraalka
Falanqayn: Dulucda Qoraalka Ina Faroole
Waa Qoraal aan wax micne ah iyo fariin uu Bulshada u wado midna aan lahayn, waxaana lagu soo koobi karaa:
- Inuu ka Xun yahay Wanaaga Shacabka ku nool Gobolka Mudug
- Inuu Diidan yahay in Gobolka Mudug uu talaabo horay u qaado
- Meel uga dhicid Shacabka Gobolka Mudug iyo Ganacsatadooda iyo Hogaankooda Dhaqanka taasoo aana meelna kasoo gelin Dhaqanka Soomaalida iyo kan dadka walaalaha ah ee reer Puntland
- Inuu u QIILSAMAYNAYO wax qabad la’aantii Aabhii madaxweynihii hore ee Puntland Faroole
- Mucaaradnimo GAAS oo aan ahayn waxtoosin ee ah DIIDAY
Waxaan soo qaadanaynaa oo Faalaynaynaa nuxurka Qoraanka Wiilka Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland.
Wuxuu ku bilaabayaa Qoraalkiisa;
”Ka dib in ka badan sanad iyo bar uu xilka hayay, madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali waxa uu ka soo muuqday shaashadaha warbaahinta isaga oo dhagaxdhigaya mashaariic, isunna arka inuu qabanayo wajibaad ay horay u dayeceen xukuumadihi isaga ka horeeyay. Qorshayaashaan ma yihiin kuwo la jaanqaadi karra himillada shacabweynaha Puntland? Dabcan dhibaato waa soo gaartay Gaalkacyo oo ku taala furrinta Koonfureed, hase yeeshe waxaa muhiim ah in la qiro in danno iska soo horjeeda balse ujeedkoodu mucaaradid ku salaysnaayeen dib u dhigeen magaaladda sanadihi la soo dhaafay. Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali waxa uu u safray Gaalkacyo isagoo ay weheliyaan xildhibaano iyo wasiiro badankoodu ka soo jeedaan gobolka Mudug, si uu u muujiyo inuu yahay mas’uul deegaankiisu ka mudanyahay waxqabad horay loo hagraday. Wuxuu booqday degmooyin iyo tuulooying si uu u baadi goobo halka wax ka khaldameen iyo waxa uu qaban karro, isagoo ka qayb galey shirar qaab’ilka daga degaankaas tageero ugu muujinayeen shaqada madaxweynuhu hayo”
Madaxweyne dalkiisa Gobol ka mida Safar shaqo ku tagay ma dambiilaa? Haddii uu GAAS sida uu Qoray Maxamed Faroole Mashaariic horumarineed iyo wax qabad ka wado Gobolka Mudug ma in lagu amaanaa mise waa in lagu eedeeyo? Oo Ina Faroole yiraahdo waa Qalad inuu Gobolka Mudug wax ka qabtaa madaxweyne GAAS.
Ina Faroole oo Qaraalka sii wata ayaa isagoo ka hadlaya in GAAS uu aaminsan yahay inay Gobolka Mudug dayaceen, aysana waxba ka qaban, madaxweynayaashii hore ee Puntland ee uu Aabihii Faroole ka mid ahaa wuxuuna Qoraalkiisa ku yiri:
”Madaxweynuhu wuxuu aaminsanyahay in mas’uuliyiinta isaga ka horaysay ay magaalada dayeceen, ka cago jiideen inay kobciyaan kaabayaasha dhaqaalaha islamarkaana hurumar gaarsiiyeen degaano kale. Bishii 7-aad sanadkii 2013, Madaxweynihi hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxa uu laalay doorashooyinki ugu horeeyay ee si dimuqraadiyad loo qabanlahaa sababo la xiriira qaswadayaal gudaha ah-oo ay ka mid ahaayeen burcad badeed fadhigoodu yahay magaaladda Gaalkacyo.
Inta badan, dambiilayaashan waxay isu haysteen in is hortaaga waxqabadka dowlada ee gobolka Mudug dani ugu jirto, iyagoo markaa xirnaa shaati qabiil. Sida muuqata, cadawgii siyaasadeed iyo qaswadayaashi shalay oo ay ka mid yihiin Yaasiin Cabdisamad iyo haween qaadka ka ganacsada sida Xaawo Cad waxay horboodayaan Cabdiweli Gaas meel kasta oo uu taggo gobolka Mudug,waana mid aan suurta gelin wakhtigii xukuumaddi isaga ka horaysay”
Ina Faroole wuxuu Cadaynayaa halkaan marka koowaad inuu madaxweyne GAAS qabtay wax uu qaban waayey aabihii Faroole ee uu ku lamaanaan jiray!! Soomaalidu waxay Tiraahdaa ”Hadal nina si u yiri nina si u qaaday” Goorma ayaa Faroole isku dayey inuu Gobolka Mudug wax u qabto inuu lugooyey kana dhagay meel aanba Puntland ka tirsanayn maahee?
Ina Faroole dadka ha u cadeeyo Aabihii oo isku dayey inuu Gobolka Mudug wax u qabto oo ay reer Mudug diideen hal marba Allahaka dhigee 5tii sano ee uu Cabdiraxman Faroole madaxweynaha ka ahaa Puntland.
Soow tii Markhaatiga laga wada ahaa intuu Faroole Al Shaabka iyo Tuugada kasoo ururiyo Garowe uu kusoo daadin jiray Gaalkacyo sidii inay tahay meel aan Puntland ba ka tirsanayn.
Dagaalkii uu Faroole ku qaaday Magaalada Gaalkacyo si uu u Burburiyo dadkeedana isaga horkeeno waa la wada xusuustaa Dhibkii uu ka gaystay Faroole Gaalkacyo ee ahaa BARAKICIN MAATO, Xasuuq, Burburin Guro aad u fara badan iwm. Taangiyaal ayuu u adeegsaday Faroole reer Gaalkacyood.
”Qawadayaal & Cadaw siyaasadeed”
Waa Xurmo daro iyo gef aan laga fiirsan in NABADOON reerood iyo Dumar reerood uu Ina faroole Af-lagaadeeyo. Nabadoon Yaasiin cabdisamad iyo Marwo Xaawo Cad hadalka Ina Faroole waxba uma dhimi karo laakiin waxaa hadoon inay qabtaan waxna ka yiraahdaan dadka ehelka ah ee Ina faroole kasoo jeedo.
Shacabka Gobolka Mudug kama mudna reer Nugaaleed in lagu tilmaamo Qaswadayaal, Burcad badeed, Dambiiyalayaal iyo waliba in loo gefo madax dhaqameedkooda iyo Dumarkooda.
Ina Faroole oo qarin kari waayey sida uu uga xun yahay in madaxweyne GAAS uu booqasho shaqo ku tago Gobolka Mudug lagana arko ”Isbedelkii” uu balan qaaday oo run ah ayaa wuxuu Qoraakiisa kusoo qaadanaya hadalkii Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland yiri markuu gaalkacyo yimid sabtidii wuxuuna Qoraalkiisa ku yiri
”Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxa uu tegay Gaalkacayo isagoo ka shanqariyay guuxa suuqa ku jira oo ah, in madaxweynuhu is yiri joogitaanka Gaalkacayo dan weyn baa ku jirta: Madaxwayne Gaas 3-asbuuc ayuu joogay Gaalkacyo, warar badana waa ay nasoo gaarayaan in wax badan ka qabtay, balse wararku lays la dhexmaraayo waxaa ay sheegayaan in madaxwaynuhu Gaalkacyo yimi shaqo badana ka qabtay caasumadii ka yimina muddo ku noqon doonin, madaxwaynuu caasumada waa uu ku noqonayaa goboladana si caadaalad ah inuu uga shaqeeyo xaq ayuu u leeyahay, Gaalkacyana waa uu ka sheeqayay caasumadana waa uu ku laabanaayaa iyana waa uu ka shaqaynaayaa,”
Qoraalka Maxamed Cabdiraxmaan Faroole waxa kaliya ee uu Xambaarsanaa waa gef aan loo meel deyin oo uu Shacab Gobol Mudug oo dhan u Gafay.
Haddii aan u leexdana mar kale ka jawaabida haladka aan garta lahayn ee uu ku eedeeyey Ina Faroole inay Shacabka Gobolka Mudug iska hor joogsadeen barwaaqo iyo Horumar Aabihii Faroole u waday.
Runtii maba mudna in laga hadlo waana wax lagu QOSLO maxaa yeelay waxaa marag ma doonto ah in Gobolka Mudug Shacabkiisa iyo Allah dartiis uu ku bad baaday laakiin Faroole uu isku dayey inuu Qariirada Puntland baka saaro, XUMAANTA uu u qabay Gobolka Mudug laakiin Shacabka Gobolka Mudug oo ah dad bisil lehna Dulqaad ay ugu dulqaadanayeen Rabitaanka iyo jiritaanka Puntkland.
Haddii uu Ina Faroole Qiilkiisu yahay rag kooban oo dano ama jagooyin ay haystaan ilaashanaya hada kuwaasi meel aysan joogin ma leh, laakiin su’aashu waa Goormuu Faroole isku dayey inuu wax u qabto Gobolka Mudug inuu Baabi’iyo maahee?
Madaxweyne GAAS waa la sixi karaa hadduu qaldan yahay laakiin in shacab Gobol dhan loo Gafo maaha, GAAS na ma mudno in lagu eedeeyo maxaad Gobol ka mida dalka aad madaxweynaha u tahay wax ugu qabatay?
Wiilasha Cabdiraxmaan Faroole hadal ma u egyahay maanta?
MAYA; MAYA, Maya uma eka laakiin waa haddii ay garan karaan wixii ay ka galeen ummdda reer Puntland haday noqon lahayd BOOB HANTI GUUD iyo mid GAAR ahaaneed, Ku TUMASHO SHARCI Iyo waxyaalo kale oo fara badan,Halkan ka Akhri Wiil uu dhalay Faroole oo dhacay CEEL Biyoood dad ku sadaqaysteen reer Puntland
Puntlandes.com
Halkan hoose ka akhri Qoraalkii Ina FAROOLE
FAALADDA WARKA: Safarka madaxweynaha Puntland ee Gaalkacyo
Faaladda Warka GAROWE ONLINE: Ka dib in ka badan sanad iyo bar uu xilka hayay, madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali waxa uu ka soo muuqday shaashadaha warbaahinta isaga oo dhagaxdhigaya mashaariic, isunna arka inuu qabanayo wajibaad ay horay u dayeceen xukuumadihi isaga ka horeeyay. Qorshayaashaan ma yihiin kuwo la jaanqaadi karra himillada shacabweynaha Puntland?
Dabcan dhibaato waa soo gaartay Gaalkacyo oo ku taala furrinta Koonfureed, hase yeeshe waxaa muhiim ah in la qiro in danno iska soo horjeeda balse ujeedkoodu mucaaradid ku salaysnaayeen dib u dhigeen magaaladda sanadihi la soo dhaafay.
Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali waxa uu u safray Gaalkacyo isagoo ay weheliyaan xildhibaano iyo wasiiro badankoodu ka soo jeedaan gobolka Mudug, si uu u muujiyo inuu yahay mas’uul deegaankiisu ka mudanyahay waxqabad horay loo hagraday.
Wuxuu booqday degmooyin iyo tuulooying si uu u baadi goobo halka wax ka khaldameen iyo waxa uu qaban karro, isagoo ka qayb galey shirar qaab’ilka daga degaankaas tageero ugu muujinayeen shaqada madaxweynuhu hayo. Halkaan ka daawo madaxweyne Gaas oo sheegey in wixii khaladamey saxi doono
Marka aad tagto goobaha lagu shaaho, inta badan safarkan macno ma samaynayo marka laga eego mudadda uu qaatay, halka qaar kale qaban inuu ku soo aaday xili muhiim ah.
Madaxweynuhu wuxuu aaminsanyahay in mas’uuliyiinta isaga ka horaysay ay magaalada dayeceen, ka cago jiideen inay kobciyaan kaabayaasha dhaqaalaha islamarkaana hurumar gaarsiiyeen degaano kale.
Bishii 7-aad sanadkii 2013, Madaxweynihi hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxa uu laalay doorashooyinki ugu horeeyay ee si dimuqraadiyad loo qabanlahaa sababo la xiriira qaswadayaal gudaha ah-oo ay ka mid ahaayeen burcad badeed fadhigoodu yahay magaaladda Gaalkacyo.
Inta badan, dambiilayaashan waxay isu haysteen in is hortaaga waxqabadka dowlada ee gobolka Mudug dani ugu jirto, iyagoo markaa xirnaa shaati qabiil.
Kooxda Dabagalka Cunaqabataynta Hubka ee Soomaaliya, waxay madaxweynaha Puntland ku eedeeyeen xiriirkiisa hoose ee kala dhexeeya burcad-badeedka, iyadoo sawiro mareegta Facebook ka soo muuqday sawir uu madaxeynaha la galay labo nin oo walaalo ah-Cabdiqani Diiriye Cabdulle iyo Axmed Diiriye Cabdulle (Cagdheer).
Sida muuqata, cadawgii siyaasadeed iyo qaswadayaashi shalay oo ay ka mid yihiin Yaasiin Cabdisamad iyo haween qaadka ka ganacsada sida Xaawo Cad waxay horboodayaan Cabdiweli Gaas meel kasta oo uu taggo gobolka Mudug, waana mid aan suurta gelin wakhtigii xukuumaddi isaga ka horaysay.
Sabtidii, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxa uu tegay Gaalkacayo isagoo ka shanqariyay guuxa suuqa ku jira oo ah, in madaxweynuhu is yiri joogitaanka Gaalkacayo dan weyn baa ku jirta: “Madaxwayne Gaas 3-asbuuc ayuu joogay Gaalkacyo, warar badana waa ay nasoo gaarayaan in wax badan ka qabtay, balse wararku lays la dhexmaraayo waxaa ay sheegayaan in madaxwaynuhu Gaalkacyo yimi shaqo badana ka qabtay caasumadii ka yimina muddo ku noqon doonin, madaxwaynuu caasumada waa uu ku noqonayaa goboladana si caadaalad ah inuu uga shaqeeyo xaq ayuu u leeyahay, Gaalkacyana waa uu ka sheeqayay caasumadana waa uu ku laabanaayaa iyana waa uu ka shaqaynaayaa,” ayuu yiri mudane Shire. Halkan ka daawo hadalka Gudoomiyaha Barlamanka Puntland
Hadaba su’aasha is-waydiinta mudan waxay tahay welwelka madaxweynaha Puntland ka muujiyey in la dayacey hurumarkii magaalada Galkacayo ma tahay mid gaarsiisan degaanada kale iyadoo aan ka warqabno in golihii degaanka ee magaalada Bosaso oo hal-bowle u ah Puntland aan weli la dhisin.
Golahaan degaanka ayaa madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas kala direy isagoo wareegto uu soo saarey ku sheegey in muddo 45 cisho lagu soo dhisi doono mid cusub balse ma dhicin oo iminka waxay mareysaa bishii sadxexaad iyadoo magaalada Bosaso aysan laheyn maamul degmo oo sharci ah ee ka howlgala.
Golaha degaanka degmada Garowe ayaa sidoo kale madaxweynaha Puntland kala direy isagoo magaalada ka ambaxbaxey maalmo ka hor inta aan la dooran midka cusub.
Waxaa xusid mudan in dadweynaha gobolka Nugaal xooga saareen sidii golahooda degaanka oo uu madaxweynaha Puntland sida sharci darada ah ku kala direy dib ugu soo dhisan lahaayeen.
Gunaanadka qoraalkaan su’aasha is-weydiinta mudan waxay tahay siyaasada madaxweynaha Puntland ee ku saleysan hurumarinta deganaada xukuumadihii ka horeeyey dayaceen ma waxay noqon doontaa mid ku kooban magaalada Gaalkacayo iyo tuulooyinka ku hareereysan sida Bursaalax mise waa mid gaari doonta dhulka kale ee Puntland oo baaxadiisa tahay mid balaaran.
Su’aashaas Jawaabteeda waxaan u dhaafeynaa waqtiga soo socda.
GAROWE ONLINE