Maxaa hor taagan furitaanka axsaabta Puntland?
Puntland waa Dawlad dimuquraadi dadban ah, taas oo hab qabiil ku dhisan. Waxaa ka jirta doorasho madaxtooyo, taas oo ku timaada hab xaddidan. Xildhibaanaduna waxay ku yimaadaan xulid qabaa´il.
Mid ka mid ah Yoolalkii ugu muhiimsanaa, kadib aas aaskii Puntland waxaa ka mid ahayd in sadex sano (3) gudohood lagu hirgeliyo, dimuquraadi dhab ah. Haddaba waxaan qormadaan ku falanqaynaynaa waxa hor taagan arrintaas muddada dheer ee 17 sano ah.
Caqabadda koowaad ee hortaagan si loo fahmo, waxaa loo baahan yahay in la fahmo waxa dimuquraadi uga duwan yahay xukun kaligii talis ah (Autocratic vs democratic leadership styles). Si loogu bar bar dhigo hab dhaqanka madaxdii la doortay.
Dimuqoraadi dhab ah maxaa lagu gartaa ama lagu fasiri karaa sidaan.
Xukun dimuqraadi ah, waxaa ugu muhiimsan qodobdaan.
- in dadku isku qiimo yihiin, oo ay u siman yihiin xuquuqda iyo waajibaadka halka ay ku nool yihiin. Taasi waxay ururinaysaa xoriyada hadalka, ilaalinta xuquuqda qofka nooc kastoo ay tahay.
- Taas waxaa dheer suurtogalnimada in ay go´aamada wax ku leeyihiin (iyagoo dooranaya cidda uga wakiilka ah).
- Marka uu dimuqoraadi dhab ah jiro, wax kasta oo masiiri ah, ama go´aamada waaweyn, looma igmado inta la toortay oo kaliya, ee waxaa go´aanka gaara dhamaan codbixiyeyaasha “referendum”. Tusaalooyinka qoyan waxaa ka mid ah, markii EU la samaynayey waxaa wadan walba ka dhacay doorasho ah, ma galnaa mise waan ka joognaa (Norway, Switzerland, maya baa loo codeeyey). Sidookale lacagta Euro: ga ah waxaa la waydiiyey dadka, Sweden, UK, Danmark waa laga diidey.
- Wadayaasha ugu waaweyn ee go´aamadu waa Dood wadaag “debate” iyadoo taas ka dib cod la galinayo.
- Dimuqoraadi dhab ahi wuxuu leeyahay soo jeedino ka timaadda dhinacyo badan. Taas oo soo marta axsaabta siyaasadda, iyo xukuumadda, iyadoo la isticmaalayo qaababka soojeedineed ee “Motions and propositions”. Erayadaan iyo sida loo isticmaalo Soomaalidu waxay ka fahamsan yihiin khalad, sida badan ku salaysan xujo, xarig jiid iyo qof kula diririd.
- Waxaa jira, hay´ado kala madax bannaan, taas oo suurtogelinaysa isla xisaabtan dhab ah. Soomaalida hay´adohaasi waa jiraan iyagoo qolof ah.
Xukun Kaligi talis “Autocracy”.
Demuqoraadi bedelkeedu waa kaligii talis “Autocracy” . waxaana lagu gartaa qodobadaan.
- Waa qaab xukun oo uu hal qof ahi leeyahay awoodda go´aan gaaridda, gabi ahaanteed.
- Xuquuqda looma sina,
- wajibaadka looma sina.
- Qofka qaba fikrad ka duwan qofka leh awoodda kaligii talis, waxaa lagu suntaa ereyada, Qaran dumis, cadawga ummadda, kuwa wanaaga neceb iwm. Sida badan waxaa la mariyaa warbaahinta borobogaando “propaganda” lagu waynaynayo qofkaas dictator: ka ah iyo kuwo lagu cambaaraynayo cidda khillaafsan isaga. Waxaa tusaale u ah, sida heesiihii kacaanka ee “dad bay meeli bugtaa” iyo kuwii guulwadaynta ahaa sida “Magacii jiryoow” “ma daalow” iwm.
Puntland iyo hab dhaqanka madaxdii soo martay.
markaynu usoo noqono Puntland waxaa soomaray madax u dhaqanta qaabka hogaamineed ee xukun kaligii talis ah “Autocracy”.
Waxay dhamaantood ka sinaayeen in ay u adeegsadaan dhaqaalihii, caqligii iyo maskaxdii Puntland gaarid dan kaga xirnayd Xamar. Ama ha noqoto in ay iyagu jaranjar ka dhigtaan puntland si ay u helaan jago Xamar taal, ama si ay lug ugu yeeshaan siyaasadda Xamar.
Xukunkii Cabdulaahi Yuusuf allaha u naxariistee, wuxuu wax kasta u huray in uu Xamar, madax ka noqdo. Mana ogolayn axsaab iyo dimuqoraadi la maamusha Puntland, taas oo uu uga baqay in ay ka jeedshaan hadafkiisa ah Xamar. Taasi waxay keentay bal daa hirgelin dimuqoraadiye in uu wakhtigii ka dhamaaday, isagoo ku mashquulsan dhisidda ururo iyo jabhado koonfurta ka dhisnaa. Taas oo keentay dagaal sokeeye kadib isku daygiisii ahaa xilli kororsiga.
Xukunkii Maxamuud muuse (Cadde). Isagu wuxuu ku haystey Puntland jabhadii uu lasoo galay. waxayna Puntland oo dhami, dib ugu noqotay xilligii Jabhadaha. Taas waxaa dheerayd in uu wax kasta oo dhaqaale, maskax iyo cudud, uu ku taageerayey xukunkii, ina-adeerkiis ee Xamar. Isaguna ma ogolayn dhisid dimuqoraadi iyo mid dawladeed toona.
Xiligii Cabdiraxmaan Faroole. Wuxuu dhisay hab dawli ah, laakiin u adeegayey xukun kaligii talis ah. Waxaa lagu xusuustaa markii xildhibaano qabay fikir ka bedelan tiisii, uu inta ku aflagaadeeyey baarlamaanka dhexdiisa, misana laga eryey shaqadii. Iyadoo la marayey hab musuqmaasuq iyo qaababka “Autocracy”. Wuxuu isku deyey in uu sameeyo dimuqoraadi xili waqtigeedii dhacay, taas oo keentay in ay ka faa´iideystaan kuwo aan rebin in ay dadku wax doortaan. Waxaa Faroole laga dhaxlay dastuur iyo qaab dawli ah oo adag. Iyo isku day dimuqoraadi, inkastoo dhibka ugu weyn ay ahayd isagoo aan xiisayneyn in uu hir geliyo xiligii ku haboonayd (Ileen wuxuu isna ahaa Dictator).
Maxamed Cali Gaas waa kan ugu liita kuligood, marka la eego habka “Autocracy “ ama kaligii taliska. Isagu wuxuu si toos ah u qaatay jidkii kacaankii “barakaysaa”. Wuxuu soo kordhiyey in ammaanta guulwadaynta ah ay noqotay wax iska caadi ah. Wuxuu shahaadooyin ku qaatay shaqo dadkale qabteen sidii buundadii Midagar, Garoomada Boosaaso, Garoowe, wadaagsin, wax kasta oo dhaqaaqa isagaa leh. Erayada caadada u noqotay waxaa ka mid ah “Wax qabad Ballaaran” Horumar” madaalow iwm.
Wuxuu aad u qaatay erayada lagu yaqaan xukunka “Autocracy” am kaligii taliska, iyadoo qofkii yiraahda war sidaani dan ma aha, lagu dhajiyo waa cadowga horumarka Puntland iwm. Waxaa taas sii dheer in derbiyada Baarlamaanka jidadka iyo meel kasta lagu xardhay isagoo meel cagaaran farta ku fiiqaya, waxaa lagu khasbay qof kasta oo uu xukun u dhiibey ama raba in uu sii joogo, in ay isticmaalaan eray ah “ Tanii waa baaqii madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato”
Calaamadaha ugu waaweyn ee “Autocracy” ama kaligii talis lagu gartaa waa in la is tustuso in ay dadku taageersan yihiin (show off). Waxaa la soo saaraa caruur iyo haween meel kasta oo uu tagayo. Waxaa la xiraa iskuulada, goobaha ganacsiga iwm si dadku isugu yimaadaan, hareeraha wadada oo ugu dhawaaqaan “soo dhawaada AABEYAALOW”. Gaas taas buu ku caan baxay. Marka isagana laga sugi maayo in uu hirgeliyo Dimuqoraadi, illeen ma rabo in dad la dooda, oo tusa dadka hawsha uu wato in ay yimaadaane.
Su´aashu waxa weeye, ma kacdoon bulsho baa loo baahanyahay?
Illeen niman qabiil ku yimid oo “Freelance Politician” ah ama siyaasi aan meella haysan, laga sugi mayee in ay dalka sida u dhaamaane.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com