Xukuumada Puntland ma ogtahay dhibaatada mushaar la´ aanta mase dhibaysaa maqalka mudaharaadka ciidanku?
Waxaa tan iyo intii xukuumadda Gaas xukunka timid, caado noqotay ciidan mushaar la´aan mudaharaadaya. Taasi waa tan muuqata laakiin waxaa jira kuwo aan iyagu mudaharaadin sida badan, walow ay mararka qaarkood dhacdo. kuwaas oo ah shaqaalaha rayidka ah. Sababta aysan u mudaharaadin waxaa kow ka ah, isku xirnaansho la´aan, iyagoo aan lahayn ururo shaqaale oo ilaaliya danahooda gaarka ah.
Iyagu waxay cabashadooda ku muujiyaan in ay si shakhsi ah shaqada uga tagaan. Tusaalaha muuqda waxaa ka mid ah wariyeyaashii 7 da ahaa, ee ka tegey shaqadii PLTV.
Waxaa marar badan ka hadashay arrintaas, saxaafadda iyadoo la soo saarayo masawiro fool xun oo ay ka mid yihiin ciidankii qanarka oo shaagag ku gubaya waddada ( arrintaas oo caalamka ugub ku ah). Waxaa kaloo la arkay sidii tii ka dhacday xerada 54 ( headquarter:ka ciidamada daraawiishta ) 13 Sep 2015 in ciidankii joogey meeshii laga hagayey ciidamada Puntland oo dhan ay gadoodaan. Waxaa maalmo ka hor ay daabacdeen xukuumadda uu hogaamiyo ninka Professor :ka dhaqaalaha sheegtay, warqado leh saxiix gudoomiye banki, kaas oo jagaadaas hayey ka hor burburkii xukuumaddii Siyaad Barre.
Been abuur (forgery = imitating objects, statistics or documents ) in wax aadan adigu asalkiisa lahayn aad copy: garaysid si aad u gaartid, hee, Faa´iido. Waxaa arrintaas isticmaala tuugada iwm. Marka xaashiyahaa been abuurka ah la daabacayey waxaa dadka loo sheegay in ay mushaarka ku bixinayaan.
Professor: ka la yiri wuxuu ku haystaa dhaqaalaha PhD. ayaa Isagoo ka hadlaya Gaalkacya 22 august, 2015, dhibaatada ka haysata beekhaaminta miisaaniyadda, buu wuxuu ku sharaxay, sadex qodob oo lagu kabi karo miisaaniyada, taas oo qodob ka mid ah uu ku sheegay daabacaadda “lacagta” –Inflationary finance, isaga oo ula jeedey xaashiyaha uu soo wadey. Lacag waxay kaga duwantahay been abuur ama copy:yeyn saxiix iyo sawir document qof kale leeyahay, iigama baahna sharaxaad.
Taas waxay cadaynaysaa in aqoonta Gaas iyo xukuumaddiisu aysan ahan mid wax hagaajinaysa ee ay tahay mid wax lagu been abuuro oo inta marba kelmed English ah oo micne loolajeedey, laga hor yiraahdo dadka hortooda, hadana loo adeegsado meel kale sida midda kor ku xusan. Waaba haday aqoontu dhab tahay oo aanba sida loo fasiray aan loo haysane.
Taas waxaa dheer in Intaas la gurayo canshuur xad dhaaf ah oo meelkasta gashay, sida xawaaladaha, taleefoonada ku hadalkooda, hay´adaha samafaleyaasha iyo meelkasta oo lacag lagu tuhmayo ( xataa ciyaal iskoolka). Waxaa xusid mudan in xukuumadihii tan ka horreysey aan mushaar, marna la waayi jirin, iyadoo intaas oo canshuur ahna la qaadi jirin. Xaashiyo lacag lagu sheegayna aan la daabici jirin.
Marka su´aashu waa xagee guntintu iska qaban la´adahay?
Si loo fahmo waxaa haboon in marka hore la is weydiiyo, xukuumadda Gaas ma ogtahay waxa waddanka ka socda? Haday ogtahayse ma dhibaysaa arrintaasi?
Marka aritaas iyaga wax laga weydiiyo waxay ku jawaabaan erayadaan Waa been, waa dacaayad ay fidinayaa Aaran Jaan iyo waxaa arrintaas fidinaya qolyo ka soo horjeeda horumarka ballaaran ee xukuumadda Gaas waddo?!, Soomaalida waxay tiraahdaa arrintaas calaamad su´aal baa saaran.
Ogow horumarka la sheeganayo waa kuway meesha ugu yimaadeen oo ay qaybtood, dheceen mar horre, sida Garoonka Boosaaso oo ay runway:ga ka goosteen 1000m taas oo ay ka dhigeen 2400m halkii uu ka ahaa 3400m markii loo dhiibayey. Ogow in ay ku andacoodeen in labo weji loo kala qaaday. Mashaariicdii kalena waa allow sahal.
Illen qorrax soo baxday sacabo laguma qarin karee, markii ay qarsoomi kari weydey mushaar la´aanta ciidamadu oo idaacadaha af soomaaliga ku hadla oo dhan laga daalacday, ayaa waxaa loo badeley inkiraadii, sidaan.
Ciidan ma aha kuwaas aan mushaarka qaadan.
Mar uu ka hadlayey professor:ka dhaqaalaha ku takhasusay ee Gaas, casho ay tujaar reer Puntland ahi ugu sameeyeen Nairobi ayuu ku sheegay in kuwa aan qaadan mushaarku ay yihiin CAAGLEYAAL, erayga waxaa hore u isticmaalay Siilaanyo isagoo ka hadlayey kala derajeynta ciidanka,
Gaas hadduu arrintaas ulajeedey in aysan ciidanka ka tirsanayn, maxaa dhex dejiyey 54 oo ah headquarter: ka ciidanka daraawiishta Puntland?
Waxaa hore loo yiri, fallaari gilgilasho kaagama hadhee, qiro maamul xumo iyo in meeshii ciidanka laga hagayey ay deggen yihiin hogaamiye kooxeedyo aan maamulkaaga ka amar qaadan. Oo qiro ciidankii birmadka ee Boosaaso xasiliyey iyadoo liic liicaysa ay Iyana mooryaan yihiin aan ciidan ahayn.
Guntii iyo gunaanadkii waxaa cad in aysan xukuumadda hadda talada Puntland haysaa dhibayn foolxumada ay sababtay aqoon daridooda iyo maamul xumidoodu.
Baldaa xukuumade, annagoo shacab ah baa markaan aragno fool xumadaas qarracanna. Laakiin iyaga kuma jirto hawshaasi oo marka lawaydiiyo waxay ku jawaabaan, ciirtaa jug leh. Waxaa jira balaayo sheeg, laakiin annagu barwaaqaan ku jirnaa.
Marka waxay u dhaqmayaan sidii kuwo aanba ogayn waxa jira iyo foolxumada maalin kasta ka taagan Puntland. Ama maba kala jecla oo nimanku waa kuwo jawaano uun iska wata, oo raba in ay iska gurtaan canshuurta iyo wixii kale oo ay dadka lacag uga aruursan karaan. Middaas oo ay damacsan yihiin in ay wadaan ilaa inta ay u soconayso.
Haddaysan arrini sidaas ahayn waxaan arki lahayn iyadoo aan la inkirayn masuuliyadda saarane, inta qirtaan, bay haddaysan iyagu wax ka qaban karin u yeeran lahaayeen cid wax kala qabata. Illen waxay garan lahaayeen in aysan ayagu aqoon u lahayn wax ka qabadka dhibka jiree.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Puntlandes.com