Xagee wajahaysaa Siyaasadda Soomaaliya 14 October, 2015 kadib, maxaase laga fili karaa shirkaas?

Sida aynu la wada socono waxaa Xamar kusoo idlaaday 22 september, 2015 shir  looga wada tashanayey doorashada 2016. Shirka natiijadii kasoo baxday waxay ahad oo keliya in la isugu yimaado shir kale 14 October, 2015, kaas oo la sheegay in lagu dhamaynayo kala duwanaanshaha jira iyo in lagu jeexo waddada (Roadmap) ka la qaadidoono si loo gaaro doorasho, marka uu dhamaado muddo xileedka xukuumada hadda jirta.

Puntland oo tan iyo siduu xukunka u yimid madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas aan lahayn miisaan iyo siyaasad cad oo ku wajahan arrimaha Soomaaliya, ayaa waxay ka qayb gashey shirkii september iyadoo marna la lahaa waa ka baxnay, marna la lahaa waaku jirnaa.

Haddaba is gedgedis badan dabadeed waxay madaxda Puntland u sheegeen shacabka Puntland in ay shuruud ku xirayaan shirka soo socda iyo waliba sida looga gudbayo doorashada 2016. Shuruudaahaas oo ay u dhigeen sidatan.

  • -In Doorasho ay dhacdo sanadka 2016-ka
  • -Innaysan dhici Karin wax muddo kororsi ah
  • -In la doorto Baarlamaan iyo Madaxweyne.
  • -In laga gudbo Nidaamka 4.5.
  • -In wax lagu qaybsado qaab deegaan.
  • -In lagu shaqeeyo Dastuurka dalka.
  • -In laga wada hadlo Caasimada Soomaaliya iyo Maqaamkeeda

Haddaad fiiriso  (7) todobadaan qodob oo madaxdu sheegeen inay yihiin shuruud, (waa haday dhab ka tahaye) waa adagtahay in laga gudbo haba sii kala adkaadeene.

Hadaynu u kala qaadno qodobadaan labo qaybood. Labadaas oo kala ah kuwo iskood u taagan iyo kuwo ku xiran qaybta kale ee qodobada shuruudaha ah, oo hadii aan qaybtaas xal laga gaarin ay adagtahay in iyagana laga gudbo.

Ogow akhristo in ay shuruudahaani ay u gooni yihiin Puntland (waa hadday dhab ka tahaye) oo inta kale soomaalida rabta midnimadu aysan ku raacsanayn.

Shuruudaha afarta kore (4) waa sahlanaanayaan hadii laysku af garto, waxa laga yeelayo labada Hoose oo kala ah Dastuurka iyo Caasumadda. Caasumadda iyada ka hadalkeeda  waxaa loo durkin karaa dawladda ka danbaysa tan Xasan Shiikh. Qodobka 4,5 kuna wuxuu ku xiran yahay kan ka hooseeya oo ah in deegaan wax lagu qaybsado.

Caqabadda ugu weyn ee meesha imanaysaa waa, qodobada wax qaybsiga iyo kan dastuurka.

Labadaan qodob oo si iyaga laftirkoodu isugu xiran. Oo haddii Dastuurka loo hogaansamo uu wax qaybsigu noqonayo deegaan.

Su´aasha meesha imaanaysaa waxaa weeye.  Yaa tanaasulaya ma Puntland misse inta kale? Cidda tanaasushase, saamayn intee le´eg bay ku yeelanaysaa mustaqbalkooda siyaasadeed ee Soomaaliya?

Soomaalida kale.

Waxaa cad in Soomaalida kale (marka laga reebo Puntland) ee midnimada rabtaa aysan hadda xiligaan u soo jeedin in ay u hogaansamaan dastuurka iyo wax kasta oo hore loogu heshiiyey. Taas oo hore looga waayey xukuumadihii kala dembeeyey ee soo maray Xamar.

Haddana laga sugi maayo in ay xaggooda ka timaado tanaasul si loo qabto doorasho. Iyagoo u arka in aysan heleyn fursad ay wax ku hogaamiyaan hadii sharciga la dhigtay la raaco oo ay u hogaansamaan.

Hadii lafiiriyo mabda´a ay qabaan oo ay intaas dabada ka riixayaan, Soomaalida koonfurta Gaalkacyo ilaa Xamar iyo waliba bay iyo qayb bakool ka mid ah,  waa xukun dhexe oo adag.  Waxay aaminsanyihiin in ay ugu badiso dawlad dhexe, waana kasoo horjeedaan xukun baahsan.

Jubaland iyaga waxay ugu badisaa xukun baahsan, balse waa laga yaabaa in ay si sahala u tanaasulaan, dano siyaasadeed awgeed.

Puntland waa 1/3 Qaarada Soomaaliya oo dhan marka lagu daro Soomaaliland, deegaan ahaana waxay heleysaa 24 degmo marka la eego tabeelaha hoose. Kaas oo Isugeyn tirada guud ee Gobolada Soomaaliya ay ka koobantahay 107 degmo.

Awdal 4
Banaadir 15
Bari 11
Togdheer 4
Sool 4
Galguduud 8
Hiiraan 5
Gedo 6
Waqooyi Galbeed 4
Mudug 5
Shabeelada Dhexe 7
Shabeelada Hoose 7
Baay 5
Bakool 5
Jubada Dhexe 4
Sanaag 4
Jubada Hoose 5
Nugaal 4
Total 107

 

Puntland haday tanaasusho maxaa dhacaya?

Micnuhu wuxuu noqonayaa in ay u tanaasusho xukun dhexe oo adag. Waxa kaliya oo ay ka tanaasushayna waa State:ka Puntland.

Tanaasulkaasi wuxuu keenayaa in qaab dhismeedka dawladeed ee aan hadda haysanaa uu meesha ka baxo, Ma jirayso Xukuumad, Baarlamaan iyo  maamul ay Puntland ku midaysan tahay wixii ka danbeeya Tanaasulkaas, Gobol walba oo hadda ka mid ah Puntland wuxuu toos u hoos tegayaa dawladda markaas Xamar ka dhalata.

Arrintaas yaa go´aan, ka gaari kara ? ma xukuumadda Cabdiweli misse ummaddii dhisatay Puntland oo dhan?

Taas jawaabteeda waxaan uga harayaa qofkastoo reer Puntland ah.

Maxaa dhacaya, haduu Tanaasulku, Puntlandna ka suurtoobi waayo?

Ma waxaa la sugayaa xukuumadda dhalata 2016ka tan kasii danbaysa ee sanadka 2020 ama 2021? si markaas isku daygii midnimo doonka ahaa halkeedii loogasii ambaqaadaaa?

Misse waxaa imaan karta in la eego Dastuurka Puntland qodobkiisa 3 faqradiisa 4 si loo raaco waxa ku qoran halkaas?

Anigu fikrad ahaan ma arko cid dastuur ku dhaqanta ama Puntland ha ahaato ama Dawladda Xamar ha ahaatee. Waxaa marka ii muuqata, iska dabaka wareeg iyo in sidii caadada ahayd laysaga daba lusho ilaa iyo yoomul qiyaamaha. Iyadoo aan raadinayno midnimo aynaan helayn (Waxaa inoo hal hays ah midnimadu waa Muqadis)

Labada qoloba talana ma hayaan, oo tix gelin mayaan waxay degsadeen, talana qaadan mayaan, marka sheekadu waa ha biqlayso.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author