Akhri Warsaxaafadeedkii kasoo baxay Xafiiska GAAS oo ka hadlayey Shirkii Xamar (Marin Habaabin)

20 Okt 2015 (Puntlandes) Marka hore waxaa si Xeeladaysan loo xushay in Shacabka reer Puntland lagu marin habaabiyo 7 wiil oo dirays Ciidan loo geliyey kuwaas oo si ula kac ah looqa soo qaaday sawiro tiro badan si Shacabka indhohooda looga leexiyo FASHILKA Madaxweyne GAAS UGA soo HOYOYEY REER PUNTLAND Shirkii ay Kooxda DAMUL JADIID garwadeenka ka ahyd ee ka dhacay magaaalada Xamar.

Marka Xigana waxaa Qoraalka si jahwareerin ah loogu qoray RIWAAYAD ay ka mid tahay INKIRAAD madaxweynaha uu GAAS Sharciyeeyey ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo aan dastuurka waafaqsanayn.

Waxaa kaloo qoraalka lagu inkiray Raysul Wasaarada DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. Runtii tani waa wax lagu qoslo…..

Akhri Warsaxaafadeedkii kasoo baxay Xafiiska GAAS: Waa mirin habaabin toos ah

Madaxweynaha Dawladda Puntlad Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maaanta 20, 10 2015 Magaalada Muqdisho uga qayb galay gebegebada shirkii Madasha Wada Tashiga Qaran ee Hanaanka Doorashada Soomaliya 2016, shirkaas oo maalintii shalay ka furmay xarunta QM ee magaalada muqdisho.

Shirka ayaa intii uu socday si weyn looga dooday qaabka ay ku imaan karto doorasho xor ah oo ka duwan doorashadii 2012 lagu soo doortay Dawladda hadda joogta, isla markaana lagu hiigsan lahaa in loo gudbo doorasho hal qof iyo hal cod  ah wixii ka danbeeya 2016.

Waxaa shirka ka qayb galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas, Madaxweynah DF Soomaaliya Xasan Sheikh Max’ud, Madaxweynaha Dawlad Gooleedka Jubbaland Axmed Max’ed Islaan, Madaxweynaha Mamulka KMG ah ee Koofur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheikh Cismaan Jawaari.

Shirka wada tashiga wada tashiga qaran ee hiigsiga hanaanka doorashada Soomaaliya 2016 waxaa iyaguna ka qayb galay wasiiro iyo xildhibaano ka kala socday Dawladda Puntland, Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha Ka Ah DFS iyo masuuliyiin ka kala socotay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.

Madasha Wada Tashiga Qaran ee Hiigsiga Hanaanka Doorashada Soomaaliya 2016 waxaa maanta laga soo saaray Warmurtiyeed toban qodob , kuwaas oo ay isla ogolaadeen gudiyadii kala duwanaa ee shirka laga dhex xulay isla markaana matalayay Dawladda Puntland, Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamul Goboleedka Jubbaland, Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaalia iyo xubnihii ka socday bulshada rayidka ah.

–DHAMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

HOOS KA AKHRI  WAR  MUR-TIYEEDKA

1 Warmurtiyeed2 Warmurtiyeed

 

 

 

 

DAAWO SAWIRADA

IMG_0671IMG_0673IMG_0743IMG_0744IMG_0746IMG_0748IMG_0752IMG_0753IMG_0754IMG_0756IMG_0758IMG_0759IMG_0760IMG_0761IMG_0762IMG_0763IMG_0766IMG_0767IMG_0769IMG_0770IMG_0772IMG_0775IMG_0777IMG_0779IMG_0780IMG_0781IMG_0783IMG_0784IMG_0829IMG_0835IMG_0837IMG_0860IMG_0874IMG_0876IMG_0877IMG_0880IMG_0883IMG_0888IMG_0889IMG_0893IMG_0897IMG_0899IMG_0901IMG_0902IMG_0909IMG_0911IMG_0912IMG_0915IMG_0918IMG_0930IMG_0938IMG_0939IMG_0943IMG_0944IMG_0945IMG_0956IMG_0961IMG_0968IMG_0973IMG_0974IMG_0979IMG_0984IMG_0987IMG_0990IMG_0996IMG_0998IMG_0999IMG_1002IMG_1005IMG_1009IMG_1012IMG_1016IMG_1025IMG_1026IMG_1032IMG_1035IMG_1043IMG_1045IMG_1052IMG_1058IMG_1060IMG_1067IMG_1072IMG_1074IMG_1078IMG_1081IMG_1100IMG_1115IMG_1118IMG_1120IMG_1133IMG_1147IMG_1148IMG_1151IMG_1152IMG_1154IMG_1156IMG_1157IMG_1158IMG_1159IMG_0984IMG_0984

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

About The Author