Dhagayso: DFS oo Shirkii Xamar miiska soo saartay in waqtiga loo kordhiyo

21 Okt 2015 (Puntlandes) Shirkii shalay magaalada Xamar ee xarunta Gobolka Banaadir lagu soo gebagebeeyey ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed.

Waxaa wakhti dheer qaatay maadaama dood dheer laga yeeshay waxay ahayd wakhti kordhin ay doonayeen xubnaha dawladda ugu sareeya gaar ahaana Gudoonka Baarlamanka & xildhibanadii weheliyay ee shirka ka qayb galay.
119
Qorsha uu Gudoomiyaha Baarlamanaka DFS keenay shirka ayaa waxaa dabada ka riixayay Madaxwaynaha DFS Xasan Shiikh oo aad u doonaya in waqtiga loo kordhiyo.

Wareysi arrintaasi ku saabsan, ayaa VOA waxa uu la yeeatay Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah madaxa hay’adda CRD, kana mid ahaa xubnihii ururada bulshada rayidka ee ka qeyb galay shirka, waxaana uu ka diyaariyey warbixintan.

Dhagayso waraysiga


Puntlandes.com

About The Author