Saworo: Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo shirar kala duwan la qaatay masuuliyiin katirsan dowlada Finland
23 Okt 2015 (Puntlandes) Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Abdiweli Hersi Indhoguran ayaa 21.10 safar shaqo kuyimid dalka Finland kadib markuu casumaad ka helay dalada qurbajoogta Puntland ee Finland. Wasiirka ayaa beryahaanba safar shaqo ku maraayay qeybo kamid ah Waqooyiga Yurub.
Wasiirka ayaa wuxuu Shalay kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Finland, saraakiishaas oo isagu jirtay danjirihii hore ee dalka Sambia, Agaasimaha waaxda geeska Afrika iyo xoghayahiisa.
Wasiirka oo ay weheliyaan wakiilka Puntland ee Finland C/fatax C/laahi Jamac Janagale iyo gudoomiyaha dallada ururrada Puntland Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale ayaa kulanka Wasaarada Arrimaha Dibedda kala hadlay xaalada guud ee Puntland iyo fursadaha maalgashi ee Puntland iyo qaab ka ugu haboon ay qurbajoogta Puntland iyo dowlada Finland u taageeri karaan horumarka iyo maalgashi ga Puntland.