Qaramada Midoobay oo Xayiraad kusoo rogaysa Xubno Carqalad ku ah Amaanka & Hanaanka Dib u Heshiisiinta

24 Okt 2015 (Puntlandes) Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray go’aamo kala duwan oo Soomaaliya la xiriira, kadib kulan ay Goluhu ku yeesheen Magaalada New Yourk ee Dalka Mareykanka.
121e

Xayiraada Hubka ee Soomaaliya

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyey xayiraadda dhinaca  hubka ah ee saaran Soomaaliya iyadoo la kordhiyey ilaa November 2016, kadib kulan ay Goluhu ku yeesheen Magaalada New Yourk ee Dalka Mareykanka.

Fadhigan Golaha amaanka waxaa kasoo qeyb galay wadamada xubnaha ka ah, waxaana cod loo qaaday in cunaqabateynta Soomaaliya la kordhiyo mudo sanad ah u codeeyeeyay 14-dal halka dalka Venezuela ay ka aamustay codeyntaasi.
Muddo kordhin Kooxda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea
Golaha amaanka ayaa waxay kaloo isku raaceen in mudo sanad ah iyana waqtiga loo kordhiyo Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea , kooxdan ayaana sii shaqeyn doonta ilaa 15-decemper sanada 2016-ka.

Musuqmaasuqa DFS

Golaha amaanka ayaa walaac ka muujiyey wararka sheegaya, musuqmaasuq, lunsashada hantida qaranka iyo wax is daba marinta xagga lacagaha ee ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan DFS iyo Baarlamaanka federaalka.

Xubno ka tirsan dowladda Federaalka iyo Barlamanka Somalia ayaa lagu eedeeyay msuqmaasuq, lunsashada hantida Qaranka iyo ku lug lahaanshaha falal dib u dhigi kara hannaanka geedi socodka Somalia, waxaana la sheegay inay la kulmayaan xayiraad

Xayiraad la saarayo Xubno ka tirsan DFS

Waxaa sidoo kale Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay hoosta ka xarriiqeen in shaqsiyaadka faraha kula jira falalka khatarta ku ah amaanka iyo hanaanka dib u heshiisiinta ay suurtogal tahay in ay xannibaado la kulmaan.

Warbxin ay dhawaan soo saareen Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa lagu sheegay in DFS uu ka jiro Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin ay ku lug leeyihiin Madax katirsan Dowlada, Hay’ado iyo Shaqsiyaad.

Puntlandes.com

About The Author