Maxamed Saliid oo ka hadlay Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland

Maxamed Saliid oo ka mida Aqoonyahanada reer Puntland ee ku nool dalka dibadiisa ayaa bartiisa Facebook ga soo dhigay Qoraal uu dareenkiisa ku cabirayo isagoo Saadaal ka bixinaya Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland iyo qiimaha uu u leeyahay Kalfadhigaasi shacabka reer Puntland, wuxuuna ku bilaabayaa qoraalkiisa sidatan ”Berri oo Axad ah, waxaa Garoowe ka furmaya Kalfadhigii “Golaha wakiilada”. Waxaan is weydiiyey, qiime intee le´eg buu ugu fadhiyaa ummadda reer Puntland? Ixtiraam intee le´eg buu ka mudanyahay Madaxda xukuumadda?”

Aqoonyahan Maxamed Saliid ayaa sharaxaad dheer ka bixinaya sababta ay uu uga rajo dhigay Baarlamaank Puntland ayaa qoraalkiisa ku yiri” Anigoo qiimaynaya shaqada ay yiraahdaan waan haynaa sida aysan wax saamayn ah ugu lahayn nolasha ummadda baan waxaan isku qanciyey in aysan wax qiime ah ulahayn fadhigoodu ummadda. Tusaale, intaas waxay soo saaraan, shuruuc, xeerar iyo go´aamo MEEL AY KA SOCDAAN iyo cid ka hoosqaada aanay jirin. Shaqadoodu waxay u dhigantaa nin maalintii oo dhan guri dhisaya, habeenkii oo dhanna burburinaya. Okey haday saas tahay maxay faa´ iido ku qabaan? jawaabtu waa mushaarka ay ka qaataan jeebka masaakiinta canshuurta bixisa.

Aqoonyahan Maxamed Saliid ayaa isagoo rajo beel ka muujinayey waxa uu ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa ”Marka la eego ixtiraamka xukuumadda Gaas, goluhu wuxuu ummadda usheegaa in siyaasadda ay xukuumaddu uga wakiil tahay oo aysan wax shaqo ah ku lahayn. taas oo ah AQOON LA´AAN SHAQADOODA AH. Marka loomaba arko in ay ixtiraam mudan yihiin. illen shaqada ay hayaan oo dhami waa in ay sidii fadhi ku dirirkii shaaha ku cabaan meesha ay fariistaan”

1106

Bogga Facebook uu ku leeyahay Maxamed Saliid

Xigasho: https://www.facebook.com/mohamed.saliid?fref=ts

Puntlandes.com

About The Author