Warbixinta Kooxda Monitoring Group Boobka hantida ummadda
24 Okt 2015 (Puntlandes) Kooxda dabagalka cunaqabataynta Soomaaliya waxay wax ka qodhay musuqmaasuqa iyo boobka lagu hayo hantida dadweynaha Soomaaliyeed.
Marka ay hayadu ka hadlaysey arrinta musuqmaasuqa bay sheegtay in isku dayo wax lagu hagaajin lahaa ay carqaladaysay bedelaadda laba Raysulwasaare muddo laba sano gudohood ah. Xisaabin la´aanta iyo dabagal la´aanta xukuumaddahaas waxay halkeedii kasii wadday boobka lagu hayey hantida ummadda Soomaaliyeed.
Kooxdu waxay ka hadashay in isku dayadii Bangiga dhexe ee ahaa, la xisaabtan iyo in la muujiyo masuuliyad, isagoo metelayey hay’adda ugu weyn ee sharciyaysa lehna awooda dabagalida hantida ummadda, in isku dayadaasi ay noqdeen kuwo aan shaqayn.
Taas waxaa sabab u ah bay Kooxdu tiri in dakhliga soo gala dawladu uusan soo marin khasnadda Bangiga dhexe. Waxay Kooxdu iyadoo hadalkeeda sii wadata tiri ”inta yar ee soo marta khasnadda, waxaa qaata si kaash ah qaybaha xukuumadda iyo hayado gaar ah iyadoo aysan jirin xisaab celin ku soo noqota Bangiga meesha loo adeegsaday”
Waxay kaloo Kooxdu hoosta ka xariiqday in kontrool la´anta xawaaladuhu ay qayb weyn ku leedahay,musuqmaasuqa, xatooyada lacagta iyadoo si dhibyar la isugu dhaafsado lacagta, iyadoo waliba ay ka mid yihiin argigixisada kuwa sida sahalkaas ah lacagta isugu xawila, xawilaadaha.
Ugu dambayntii waxay kaloo Kooxdu ku nuuxnuuxsatay in ay dhibaatada qayb weyn ka tahay, isticmaalka sharci gaboobey oo aan la jaanqaadi karin maamulidda dhaqaalaha casrigaa. Sharcigaas oo la sameeyey 1960, kaas oo weliba aan dhaqan galkiisu uusan wanaagsanayn. Afka uun baa la yiraahdaa waxaan haysanaa oo lagu dhaqmayaa sharcigii lixdankii laakiin cidina ma tix geliso meella lagama is ticmaalo.
Puntlandes.com