Kalfadhiga 36aad ee Barlamaanka Puntland Oo Maanta Furmaya

25 Okt 2015 (Puntlandes) Magaalada Garoowe ee Caasimada dowladda Puntland ayaa waxaa maanta kia furmi doona kalfadhigii 36aad ee Baarlmaaanka Puntland, waxaana lafilayaa inuu kalfdhigaani furidoono madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo mudooyinkii ugu dambeeyey kusugnaa magaalada Galkacyo.

122e

Inta uu socdo kalfadhiga Baarlmaaanka Puntland ayaa waxa lagula xisaabtami doonaa xukuumadda uu hormuudka u yahay madaxweyne Gaas. Baarlamaanka Puntland ayaa horay go’aan uga soo saaray arrimaha la xariira DFS maadama si cad loo meelmariyay sharciyo iyo guddiyo aan lagala tashan mamulada dalka, waxaana mudada uu socdo kalfadhigaani ay xildhibaanadu kadoodayaan arrimahaasi.

About The Author