Sawiro: Wasiirka waxbarashada Puntland oo la kulmay wafdi ka socda Dalka Kuwait
25 Okt 2015 (Puntlandes) Wasiirka Wasaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowlada Puntland ayaa magaalada Garowe ku qaabilay masuuliyiin ka socda Wasaradda Waxbarashada Dalka Kuwait iyo Hay’adda Bisha Cas kuwaasoo booqday Dugsiga sare ee Gambool.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-Ciise Aw-Yuusuf iyo ku xigeenkiisa Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa wafdigan ku qaabilay xafiiska Wasaarada Waxbarashada, waxayna ka wada hadleen arrimo salka ku hayo horumarinta Waxbarashada iyo kor u qaadista tayada macalimiinta.
Wasiir Abshir ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada masuuliyiintan ku yimaadeen Garowe, waxa kale uu sheegay inay wada shaqaynta labada dhinac u dhaxaysa dhankooda sii xoojin doonaa.
Wafdiga ayaa markey booqdeen Iskuulka sare ee Gambool Garowe kala kulmay soo dhaweyn diirran, mamulka Iskuulka ayaa war bixin ka siiyay wafdiga xaalada iskuulka iyo sidey wax u kala socdaan.