Sawiro-Dhagayso: Madaxweyne Gaas oo ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen Mudanayaasha Baarlamanka Puntland
26 Okt 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hortegey Golaha Waiilada Puntland si uu uga jawaabo su’aalo ay qabeen mudanayaashu.
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa soo xaadiray kullanka, waxaana Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xaasan Shire , Labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka , Wasiiro iyo Bahda warbaahinta .
Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire oo ugu horeyn ka hadlay kullanka ayaa sheegay in maanta uu Madaxweynuhu ku yimi codsigii baarlamaanka ee shalayto xildhibaanadu codsadeen in madaxweynaha ay weydiiyaan, kuwaasi oo la xiriira howlaha qaran ee dalka ka socda.
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa madaxweynaha weydiiyey su’aalo aysan ku jirin DFS iyo maamulka Cadaado
Dhagayso Gaas oo ka jawaabaya su’aalo la xiriira Daabici lacag Shilin Soomaali ah, Mushahaanrka Ciidamada iyo Shaqaalaha, Hantidhawrka iyo hanti la Musuqmaasuqay