Sawiro: Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay boqorka dalka Sa’udi Arabia
27 Okt 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa maanta lagu soo qasriga looga arrimiyo boqortooyada Saudi Arabia oo ay booqasho rasmi ah ku joogaan isaga iyo wafdi uu hogaaminayao.
Xassan Sheekh ayaa la kulmay boqorka dalka Saudi Arabaia boqor Salmaan Bin Abdiaziz Aala Sacuud, iyadoo ay wehliyaan wasiirrada Arrimaha dibedda, warfaafinta, Maaliyadda iyo taliyaha ciidanka nabadsugida Qaranka.
Golayaasha dowladda Saudi arabia ayaa u dhammaa kulankan laba geesoodka ah ee dhexmaray labada dowladood waxaana ay dowladda Sacudi arabia ballan qaadday inay Soomaaliya ka caawineyso arrimaha dib u dhiska, shaqaaleyn dad Soomaaliyeed oo dalka ka howlgeli doona iyo taageero dhinacyo badan.
Wasiirrada la socday madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggooda wadanka iyagoo arrimo badan isla meel dhigay,
Madaxweyne Xassan ayaa tilmaamay in Boqorku u sheegay inay Somaliya ay garab taaganyihiin islamarkaana wufuud ka socota Sacuudiga ay tegi doonaan Soomaaliya ,
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ee Soomaaliya ay calaaqaadka caalamka la leeyahay uu meel sare gaarsiisay.