Faallo: Kadib Siciid Xasan Shire maxaa xigi doona?
Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa muddo 24 saac gudahood ah ku abaabuley Mooshin ka dhan ah Afhayeenkii Golaha Wakiilada Siciid Xasan Shire, waxaana Mooshinka saxiixey Xildhibaano gaaraya 42 Xildhibaan.
Mooshinka ayaa dhigayey in xilka guddoomiyaha laga qaado Siciid Xasan Shire kadib markii lagu eedeeyey:
- Xil gudosho la’aan.
- Musuq-Maasuq.
- In uu maroorsadey awooddii Madaxweyne ku-xigeenka
- In uu ku milmey Madaxtooyada Puntland iyo qodobo kale.
- Keli la noqosho mashaariicda UNDP ee Baarlamaanka.
Qodobadan waxaa afkiisa ka sheegay Siciid Xasan Shire.
Habeenimadii Arbacada soo geleysey ee Xildhibaanada Baarlamaanku u ballansanaayeen in ay kursiga ka dejiyaan Siciid Xasan Shire ayaa ciidamo tageersan Afhayeenkii Baarlamaanka tageen hoolka baarlamaanka si ay u baajiyaan shirka Arbacadii loo ballansanaa.
Madaxweyne kuxigeeka Puntland Cabdixakiin Camey ayaa amar ku bixiyey in ciidamadaas si deg-deg ah looga qaado, waxaana halkaas gaarey ciidamo badan oo ku khasbey kuwii doonayey in ay baajiyaan shirka Golaha Wakiilada in ay meeshaas isaga dareeraan.
Waxaa jirey guux siyaasadeed oo ka taagnaa dhammaan deegaanada Puntland, laakiin ma ahayn mid si deg-deg ah loo filaayey in ay seeftu gallaafan doonto Siciid Xasan Shire oo hadda iska casiley xilkii afhayeenimo iyo weliba kii xildhibaanimo, kadib markii uu horjoogsan kari waayey Mooshinkii laga keenay.
Waxaa dad badan is weydiinayaa muxuu galabssdey Siciid Xasan Shire?, yaa ka danbeeya in mooshin deg-deg loo abaabuley odayga laga keeno? maxay tahay waxa xigi doona kadib Siciid Xasan Shire?.
Tirada Xildhibaanada Puntland ayaa ah mid aad uga yar tan Dowladda Federaalka ah iyo weliba dhammaan maamulada dalka ka jira, in la rido afhayeenka baarlamaanku waxay u baahan tahay oo keliya 34 Xildhibaan in ay u codeeyaan, waxaana mooshin ka keeni kara 20 Xildhibaan oo keliya, taas oo fududeysey in mooshinka si deg-deg ah loo abaabulo.
Muxuu galabsadey Afhayeenku
Siciid Xasan waxa uu siyaasadda ku soo jirey muddo ka badan 15 sano, waxa uu markii horeysey Xildhibaan ka noqdey Dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu so dhisey Jabuuti, Xukuumaddii Cali Geedi waxa uu noqdey Wasiir iyo Wasiir ku-xigeen, Xildhibaanimo sidaan oo kale waxa uu iska casiley sanadkii 2010, waxaana uu siyaasadiisa u soo beddeley Puntland oo uu xukuumaddii Dr. Faroole ka noqdey Wasiir.
Ka hor inta aanu siyaasadda soo gelin waxaa la sheegaa in uu ka tirsanaan jirey urur diimedkii al-Itixaad al-Islaami, oo sanaidhihii 1992 -1993 saldhig ku lahaa gobolka Sanaag, kadib waxa uu noqdey ganacsade.
Dadka dhaliilsan siyaasadiisa waxay ku tilmaamaan nin qabweyni ay meel dhigtey, isla markaana aan lahayn hal abuur uu wax ku hoggaamiyo, Xildhibaanada doorteyna ka hor-mariya dantiisa shakhsiyadeed, Waxay ku eedeeyaan Siciid in uu ahaa nin gor-gortan iyo handadaad badan.
Aragtida taas ka soo horjeeda ayaa sheegaysa in uu yahay nin afgaaban isla markaana neceb khilaafka ugana turay Puntland in uu hareeyo khilaaf siyaasadeed iyo is-qab-qabsi.
Inkasta oo xildhibaanada Puntland ay ku yimaadeen nidaamka beelaha ayaa haddana waxaaa si weyn u kala qaybiya aragtida shakhsiyadeed ee siyaasiga, waxaa la sheegaa in Xildhibaanadu u qaybsan yihiin saddex kooxood oo mid kamid ah ay yihiin Mucaarad ku xiran maamulkii hore.
Sida Warbaahintu ogaatey saddexda kooxood waxay ku mideysnaayeen mooshinka lagu ridey Siciid Xasan Shire, ma cadda sababta mideysey, waxaase midka mid ah Xildhibaanada aan mucaaradka ahayn sheegay in Siciid uu ahaa shakhsi ka dhex-baxsan Xildhibaanada u doortey in uu shir guddoon u noqdo.
Yaa noqon kara Afhayeenka cusub?
Sida uu qabo dastuurka Puntland waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka laga doonayaa muddo 30 maalmood gudaheed ah in ay ku dortaan afhayeenkii beddeli lahaa Siciid Xasan Shiri. Ilaa hadda waxaa la og yahay in Xildhibaan ka soo jeeda Sanaag mid ka mid ah uu noqon doono Afhayeenka cusub ee baarlamaanka, inkasta oo ay jiraan shakhsiyaad gobolo kale ka soo jeeda oo doonaya in ay u tartamaan.
Dadka sida weyn lo hadal hayo waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdixakiin Xaaji Maxamuud (Dhoobo-Daareed), Sanadkii 2014 ayuu kamid ahaa Musharixiintii u tartaney xilkaan, iyada oo uu ahaa Musharaxii markaas laga taageerayey Madaxtooyada. Dhoobo-daareed ayaa la sheegayaa in Xildhibaanada Mucaaradka ah ay aad u doonayaan, waxaana uu weli ku xiran yahay koox lagu magacaabi jirey Aaran-Jaan oo la shaqeyn jirey maamulkii Dr Faroole.
Dadka kaler ee la hadal hayo waxaa ka mid ah Xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo horey u soo noqdey Afhayeenka Baarlamaanka 2005 – 2009, Xaashi ayaa la sheegayaa in Xildhibaano badan u arkaan nin miisaan ku dhex leh baarlamaanka isla markaana khibrad u leh hoggaamintiisa.
Si kastaba ha ahaatee waa adag tahay in la saadaaliyo qofka noqon kara Afhayeenka maadaama aysan jirin musharixiin weli banaanka isa soo dhigay.
Maqnaanshaha Isla xisaabtanka (accountability)
Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland waxay afhayeenkooda ku eedeeyeen musuq-maasuq iyo ku takrifal hanti, qarsasho heshiisyo UNDP.
Golaha Wakiilada ee Puntland waa hay’adda la doonaayo in ay la xisaabtanto xukuumadda Puntland, si loo helo maamul hufan. Waxaase la yaableh in Golaha Wakiilada ee Puntland ay noqdeen ninkii qaawanaa ee aaminsanaa haddana in uu dhar xiran yahay!!!, Soomaalidu waxay tiraahdaa Af wax cunay xishoo!!, Suxuurtaadi hadii ay laaluush noqotey sidee noqonayaa Afur-kaagu. Golaha Wakiiladu waxay wax ku doorteen Musuq-maasuq lacag ayey wada qaateen markii xilka Madaxweynaha loo tartamayey. Waxaa dad badan aaminsan yahay in ay haddana aloosayaan mashruuc labaad oo ay wax ku dhacaan halkii ay la imaan lahaayeen xisaabtan dhab ah, isla markaana maamulka ka horjoogsan lahaayeen musuq-maasuqa iyo ku takrifalka hantida Puntland.
Wake up call
Siciid Xasan Shire ayaa aaminsan in mooshinkan daba socdo su’alihii Xildhibaanadu weydiinayeen Madaxweynaha maalintii Isniinta, qaabka uu u maareeyey. Dad badan ayaa is-weydiinayaa fariinta Mooshinkan diraayo, yuu digniin u yahay? yaa hurdada laga kicinayaa? muxuuse ku danbeyn doonaa?, Qaar kamid ah dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in is-xejinta Siciid Xasan Shire is-xejiyey Madaxtooyada ama Madaxweynaha ay tahay mid aan waxba ka jirin, oo is-casilaadfiisa laga soo dhaweeyey Madaxtooyada.
Waxaa hubaal ah in Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas ay fariin u tahay xiisadda ka dhex aloosantey baarlamaanka inkasta oo Xildhibaanadu aysan qaybsamin, ayaa la aaminsan yahay in ay tijaabiyeen mid kamid ah awoodahooda, waxaana la is-weydiinayaa qaabka Madaxweynuhu xaajadan ku maareyn doono, inkasta oo Golaha Wakiiladu ka madax banaan yihiin Xukuumadda ayaa la dhihi kara waa madax-banaani aan marna lagu neefsan.
Xigasho: horseedmedia.net