Sawiro: Maamulka Gobolka Sanaag oo Kormeeray Masharuuca Jaamacadda Maakhir ee Badhan

29 Okt 2015 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Taliska Daraawiishta qaybta 9aad, maamulka degmada Badhan, Guddiga dhismaha Jaamacadda Maakhir iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Kormeeray meesha laga dhisayo Jaamacadda Maakhir, oo dhismiheesu uu dhowaan bilaabanayo.