Sawiro: Laba bilood oo madaxweeynaha Jubaland loogu kordhiyay inuu kusoo dhiso Golaha wasiirada
31 Okt 2015 (Puntlandes) Baarlamanka Jubaland ayaa kulan ay maanta isugu yimaadeen waxa ay uga doodeen codsi uga yimid madaxweeynaha dowladda oo ahaa in mudo kordhin loo sameeyo.
Baarlamanka oo kulan ku yeeshay xarunta Caymiska ayaa waxa ay ka doodeen codsiga Madaxweeynaha.
Dood iyo falanqeyn dheer kadib, ayay xubnaha baarlamanku aqbaleen codsigii madaxweeynaha ee ahaa in waqtiga lo kordhiyo, intaa kadibna waxaa bilaabatay in cod loo qaado mudo laba bilood ah oo loogu kordhiyo waqtiga uu madaxweeynaha kusoo dhisayo golahiisa wasiirada.
54 kamid ah 59 mudane oo soo xaadirtay kulanka ayaa u codeysay in laba bilood madaxweeynaha loo kordhiyo, 3 waa ay ka aamustay halka laba kalena ay diiday.
Gudoomiye kuxigeenka 3-aad ee baarlamanka Jubaland Mudane Aadan Khaliif ayaa sheegay in baarlamanku isku raaceen in laba bil loogu kordhiyo madaxweeynaha sidaana uu ku ansaxday waqti kordhinta Madaxweeynaha.